haatuf.net
Madaxwaynaha Dalka Turkiga Oo Maalinta Jimcaha La Filayo Inuu Booqasho Ku Tago Magaaladda Muqdisho
January 21, 2015 - Written by Admin Two

Muqdisho, allergist January 21, erectile 2015 (W.Wararka) – Waxaa Magaaladda Muqdisho ku soo qulqulaya wafdi hor dhac u ah ama u gogol xaadhaya safarka lagu wado inuu maalinta Jimcaha ah Soomaaliya ku yimaado Madaxweynaya dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan, oo safar socdaal ah uu uga bilowday wadamada dhaca Geeska Afrika, Waxaana Muqdisho maanta gaadhay ciidamo iyo wafdi ka socda dalkaasi.

Turkiga oo isugu jira SiyaaErdogansiyiin ,Ganacsato , Protocol-ka iyo ilaalada qaaska ah ee Madaxweynaha, si u sii qiimeeyaan xaaladda Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maalinta berri ah oo Khamiis ah tagi doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga waxa uu tagi doonaa dalka Djibouti, iyadoo lugta saddexaad ee safarkiisa geeska Afrika uu ku soo khatimi doono Soomaaliya oo la wado in maalinta jimcaha uu soo gaaro.

Booqashada Erdogan ee jimcaha uu ku imaan doono Soomaliya oo qaadan doonta hal maalin ayaa noqon doonta tii labaad, kadib markii uu sanadkii 2011 uu yimid Soomaaliya, xiligaas oo ay ka jirtay dalka abaaro iyo macluul ay dad badan u geeriyoodeen.inkastoo uu xiligaa ahaa Reysalwasaare.hadana waxa uu socdaalkiisu ahaa mid Soomaaliya ku soo jeediyay indhaha beesha caalamka.

Xiligaa wixii ka danbeeyayna dowladda turkigu waxa ay Soomaaliya ka waday howlo balaaran oo isugu jira Gargaar, Dib u dhis, Adeegyo C/fimaad ,Waxbarasho iyo taakuleynta dawladda Soomaaliya.

Diyaar garowga imaanshaha Ordagan ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho waxaana diyaar garowga bar bar socda howl gallo amniga lagu sugayo, kaasoo labadii maalmood ee u dambeeyay sababtay in la xiro wadootinka halbowlaha u ah isu socodka bulshada.waxaana durba socota qaban qaabadaii lagu xiri lahaa wadooyinkaasi galinka danbe ee maanta.

Kadib markii 10-kii bishan magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada Urur goboleedka IGAD, ayey dowladda Soomaaliya sheegtay in magaalada Muqdisho ay marti gelin doonto wafuud caalami ah sanadkan 2015-ka,waxaase safarada madaxdan cabsho xoogan ka muujinaya shacabka maadaama maalmahaasi aaneey heli doonin wadooyin ay maraan.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS