haatuf.net
Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka Qaranka Iyo Madaxa WFP Ee Somaliland Oo Heshiis Wada-Shaqayneed Kala Saxeexday
January 21, 2015 - Written by Admin Two

Hay’adda WFP Ayaa laba Baabuur Ku Kala Wareejisay Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Iyo Wasaaradda Qorshaynta

Hargeysa, prostate January 21, cialis 2015 (Haatuf) – Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka Qaranka (Somaliland Food Coordination Agency) Md Yuusuf Cismaan Garas iyo madaxa hay’adda Cuntadda Aduunka ee WFP ee Somaliland Mr Achille Aka ayaa shalay galabta magaaladda Hargeysa ee caasimadda dalka ku kala saxeexday heshiis wada-shaqayneed.

Munaasibada ay labada dhinac heshiiska ku kala saxeexdeen ayaa ka dhacday xafiiska hay’adda xidhiidhka raashinka ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa kasoo qaybgalay, Maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka qaranka Mr Garas, madaxa WFP ee Somaliland Achille Aka, Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha beeraha iyo qorshaynta.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay madaxa hay’adda WFP ee Somaliland Mr Achille Aka, kaas oo halkaasi hadalo mahadnaq iyo guubaabo iskugu jira ka jeediyey, isagoo tilmaamay inuu damacsan yahay inuu hirgaliyo xidhiidh wada-shaqayneed oo aad u fiican inuu la yeesho mudada uu joogo xafiiska xukuumadda Somaliland u qaabilsan raashinka.

Intaas ka dib waxa isaguna madashaasi ka hadlay maareeyaha xafiiska xidhiidhka Raashinka qaranka iyo WFP  Yuusuf Cismaan Garas, kaas oo ka xogwaramay duruufihii kala duwanaa ee uu soo maray xidhiidhka ay hay’adiisu la leedahay Barnaamijka Cuntadda Aduunka, isagoo xusay inaanu mudooyinkii hore waji fiicnayn  xidhiidhka u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo WFP, isla markaana uu khilaaf ka dhextaagnaa madaxii hore ee WFP, balse wakhtigan uu rajaynayo inay wada-shaqayn aad u wanaagsani dhexmarto masuulka cusub ee WFP qaybteeda Somaliland loo soo magacaabay.

Maareeye Garas waxa uu ku dooday inay ka go’antahay xukuumadda Somaliland inay xidhiidh fiican la yeelato hay’adda cuntadda aduunka ee WFP, isagoo tibaaxay inay jeexi doonaan xidhiidh wada-shaqayneed oo heer caalami ah.

Sidoo kale madaxa hay’adda WFP ee Somaliland Mr Achille Aka waxa uu halkaasi laba baabuur ku kala gudoonsiiyey maareeyaha hay’adda xidhiidhka raashinka Yuusuf Cismaan Garas iyo agaasimaha wasaaradda qorshaynta, kuwaas oo labadooduba WFP uga mahadnaqay  baabuurtaasi.

Gaba-gabadii waxa halkaasi xafladaasi waxa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, kaas oo labadaas hay’addoodba u rajeeyey inay ka midho-dhaliyaan heshiiska ay kala saxeexdeen iyo xidhiidhka fiican ee ay balanqaadeen inay seeska u dhigayaan, waxaanu dardaaran ka dib WFP uga mahadnaqay baabuurka ay ugu deeqday hay’adda xidhiidhka raashinka u qaabilsan dawladda Somaliland oo uu tilmaamay inay duruufo badani ku xeeran yihiin.

Garas

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS