haatuf.net
Nin Mayd Ah Oo Xalay Dooxa Magaaladda Hargeysa Laga Helay Iyo Xaaladaha Amni Ee Xaafaddaha Caasimadda Oo Meel-xun Maraysa
January 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, medic January 22, cialis 2015 (Haatuf) – Dooxa Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga helay nin mayd ah kaasi oo aan la aqoonsanin qofka uu yahay iyo sababta keentay dilkiisaasi.

Ninkan maydkiisa laga helay dooxa ayaanay wali kala cadayn in halkaasi lagu dilay iyo in maydkiisa loo soo qaaday dooxa oo lagu soo tuuray, kaas oo wakhtigan maydkiisu yaalo cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex oo ka hadlay arinta ninkan maydka ah ee laga helay dooxa magaaladda Hargeysa, kaas oo sheegay inuu baadhitaanka dilkaasi socdo, isla markaana aan bulshadda u sheegin wax ay ku qanacdo.

Magaaladda Hargeysa ee xarunta dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mudadii xukuumadda Siilaanyo noqotay magaalo ay ka dhacaan dambi iyo xaalado amni daro oo aan hore uga dhici jirin, taas oo dadka arrimahan falanqeeyaa ay u nisbeeyeen fashilaad ku timid wasaaradda daakhiliga iyo taliska ciidanka bilayska oo iyaga ay hogaamiyaan masuuliyiin aan aqoon ku filan u lahayn xilalka ay qaranka u hayaan.Ninka Maydka ah

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS