haatuf.net
“In Beri Subaxa Mudaaharaad La Diyaariyay Oo Tii Muuse Biixi Ka Raacday Tu Ka Daran Lala Damacsan Yahay Madaxweynaha Ayay….”Cali Guray
January 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, medstore January 22, 2015 (Haatuf) – Gudoomiye xigeenka 3aad ee xisbiga Ucid Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey boggiisa Facebook waxa uu kaga hadlay arrimaha jidka Ceerigaabo, safarka madaxweynaha iyo mashaariicda la dhagax dhigay, kuwii hore loo dhagax dhigay, wixii ka fulay iyo qodobo kale oo xidhiidh la leh.

Qoraalkaas oo uu Cali Guray cinwaan ka dhigtay “DHAGAXII BISLAAN WAA…..” ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan; “Hadii uu dhagax dhig wax qabad yahay waa run oo madaxwaynaha Somaliland ayaa noqonaya madaxwaynaha ugu wax qabadka badan dunida oo dhan, inta uu dhagaxyo dhigayna ma jiro madaxwayne kale oo dhigay marka lag daro Barak Obama,madaxwaynaha maraykanka.Markay tahay dhagax dhig, haa waa run madaxwaynaha rikoodhka jebiyay ee rikoodhka jebiyay waa madaxwaynaha Somaliland oo in ka badan afar sanadood dhagax dhig uun waday, hadana dardar cusub sii geliyay. Kolay Madaxwayne Siilanyo bal wax kale ha joogto eh, waa hubaal in dhagax dhigu uu noqon doono wax lagu xasuusto, markuu xilka ka dego hadii Alleh yidhaa, hadii aanay naanaysba u noqon oon la odhan MADAXWAYNIHII DHAGAX DHIGGA.

Marka aynu eegno mashaariicada uu dhagaxyada dhigay madaxwaynuhu inta ka hirgashay ee la dhamays tiray intee ayay noqon kartaa hadii wax ka hirgalayba ay jiraan?. Kow waxa jira wadada Kala Baydh/Tog Wajaale oo dhawr iyo labaatan kilomitir ah oo aan xukuumaddu keligeed hirgelin laakiin sida uu wasiirka Madaxtooyadu sheegay ay qayb libaax ka qaadatay bal ku soo dara oo labeeya, ama sadexeeya hadii ay jiraan kuwo kale oo muhiim ihi. Wadada Ceerigaabo oo uu dhagax dhigay 10kii KM ee ugu horeeyay ayuu xadhiga ka jaray shalay. Hadii aynu u qaadano wajigii ugu horeeyay oo sanad ku dhamaaday 370KM waxa qorshaha Xirsi gab noqonayaa in wadada Ceerigaabo ay qaadan karto 37 sanadood oo min 10KM ah. Badi oo min sodon KM sanadkii hadii la qabto markaa lafteeda ayay ku wadaan inay qaadan karto in ka badan 10 sanadood.Lama garan karo qorshaha inanka yari si uu yahay iyo si uu wax ugu talogalay wuxuna waa hawl uu gebi ahaanba isagu maamulo oo sida uu doono, hadba wax uu dhigayo, cid maxaad wadaa odhan kartaana aanay jirin. Bal day waxay ahayd hadii daacad laga yahay aqoonina jirto, in wadada laga soo bilaabo Ceerigaabo lafteeda iyo hadii la doono Ceel Afwayne oo xaga Ceerigaabo loo wado. Marka ay labadaasi is gaadhaan socodkii Ceerigaabo iyo Burco xaga wakhtiga waxa ka go’i lahaa wax ku dhaw 50%. Laakiin waa marka caqligu shaqaynayo een inan yari wax candadawlaynin, Banka Saraar marka aanay xili roob ahayn laamiga kama dhaco, oo hadii aad War idaad ka dhaqaaqdo si kale reer galbeedku ku garan maayaane waa Laba Dhegedkii uun.

Magaalada Borame uu socodkiisa madaxwaynhu ka bilaabay inu markiiba is soo rogo oo wakhti saacad ah ku sugnaado cid filaysay may jirin lakiin sida xogogaal ii sheegay arinkaasi qorshe muu ahayn, ee waxa keenay xan soo gaadhay labada qof ee madaxwaynaha ugu dhawaa oo loo sheegay, in beri subaxa mudaaharaad la diyaariyay oo tii Muuse Biixi ka raacday tu ka daran lala damacsan yahay. Taasi waa igu war warkii balse waa macquul, waayo marka aynu ogayn sida xaaladda Borame iyo gobolkaba ka taagnayd ay ahayd waxa laga filayay inu ku dego oo ku nagaado ugu yaraan maalin iyo lababa hadii aanu ka badsan oo intuu u dooyaysto oodo dhacmeed u kala guro siday u kala sareeyeen, hadii ay tahay tabashooyinkii jiray ilaa xaaladda cakiran ee arinka suldaan Wabar. Ninkii taa looga fadhiyay ayaa la yidhi mar alleh markii salaadii makhrib la adimay ee dadki xaga masaajidada u dareereen, ayuu waftigiina mar keliya cidhibta ku dhufteen oo loo soo kala beretemay xaga Tog Wajaale oo ay goor caways dambe ah oon cid u diyaar ihi jirin soo gaadheen. Habeenimadii ilayn goor loo loogo may soconine gasiin wixii loo helayay looma miyin nabadna ku seexde kuna soo toose.

Runtii safarkan madaxwaynaha wax u jeedo cad laga lahayni way muuqatay waxa qorshaysanna muu ahayn ee socod habaqtan iyo is daba guur uun ah ayuu ahaa. Marka laga reebo magaalada Allay Baday madaxwaynuhu inta kale wuxu ku maray sida hilaaca, Allay Badayna dee nin leh baa u dooday oo Wasiirkii Maaliyadda ayaa meesha marayay inay ka tiiriyaana way ahayd oo si fiican bay uga tiiriyeen. Madxwaynaha laftiisu si kalsooniyi ku jirto ayuu ugu negaaday Allay Baday, intii uu ku sugnaana may jirin meel kale uu intaa in le’eg fadhiyay. Wadadii cusbayd ee la waday booqayaa, mashaariic kale dhagaxyo dhigyaa ilaa casar gaaban ayuu Joogay waftiga madaxwaynuhu Allay Baday, oo ku nastay ka dibna bari ayuu socodkiisii u sii watay oo wuxu sii jiidhay Waddo Makaahiil, ka dibna markay liiqa dhigtay ayuu Farawayne waftigii oon dheg la qabto lahayni daf yidhi, balse kumay degin manay is taagin marka laga reebo, sida la yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha mooyaane oo laftiisu ka deba tagay markii baabuurkii odaygii iyo intii kale, hoos iyo wadadii Hargeysa dhufteen. Inay u kaseen iyo inay u ambadeen waa la kala garan waayay, ilaa ay dib isu soo rogeen markii ay maraaga gaadheen oo hadana Farawayne daf soo yidhaahdeen oo ay waydiiyeen wadadii Baliguble meeday?”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS