haatuf.net
Siyaasadu Ma Umadda Boob-Baa? Qalinkii: Cabdinaasir Ismaaciil Nuur
November 6, 2014 - Written by Admin Two

Siyaasadda waxa lagu qeexaa inay tahay hab ama nidaam maamul oo leh hiigsi iyo himilo wadata xeerar iyo qawaaniin waa faqsan qaab dhismeedka bulsho ama ummad.

Cabdinaasir ismaciil nuurDaacadnimada hadii laga saaro haraga wax kaliya ee ay u baahan tahay daacadnimadu waa in ay heshaa harageedii si loo sameeyo hurmar la taaban karo, asthma hadaba siyaasiinta ugu badani ee reer Somaaliland waxay ugu shaqeeyaan siyaasada sida ay u shaqeeyaan kuuliyada guryaha dhisa mar ka yak u cusubyihiin shaqada kuulinimada iyadoo ay siyaasiinta dalka ka shaqeeyaa ay ku kala duwan yihiin aragtidooda siyaasadeed kuwo badan oo ka mid ahina ay yihiin aan aragti fog lahayn oo aaytiinka danbe ku salaysan iyo dadka dalka ay u yihiin waxaanay isku badashay oo muuqata in siyaasada loo xoogsi tagay si ay uga tijaaraan ama maal ugu helaan taasina waxay meesha ka saartay in daacadnimo loogu adeego bulshada dalka oo dhaqaalaha ahaan tamardaran waxa dabadeedna meesha ka baxday in la raaco shuruucda iyo qawaaniinta u dagsan wadanka islamarkaan marka sharcigii la baalmaro oo lagu daro boobka hantida umada, siyaabaha loo lunsado hantida umaduna ay lamid tahay sida baararka waawayn ee kufaartu ku ciyaarto khamaarka logu kala macaasho. Guud ahaan waa siyaasiinta reer Africa kuwa Somaliland hadaba siyaasiinta xasarada bayacay waa kuwa u u soo galay in ay ka taajiraan siyaasada, kana dhistaan guryo fiilo ah oo beero waawayn leh kuna dhalaan caruur buur buuran iyo marwaayin bilan waxaana badanaa laga dheehan karaa siyaasiinta in ay siyaada ku soo kordhiyaan naxariis daro kala fogaysa dadka wadanka   xasaraduna waxay marmar u baxdaa sida dhirmala awaal ah.

Hadalada beenta iyo beerlaxawsiga ah, ceebaha siyaasiinta daacada u ah dalka, waa hubka kaliya ee ay adeegsadaan siyaasiyiinta siyaadda ka saaqida waxana lagu yaqaanaa buunbuunita waxqabad aan jir, guulwaydayn iyo jawaabaha gurran ee xigmadda ka madhan oo ay ugu jawaabaan cid kasta oo isku dayda inay dhaliil ama talo u soo jeedisa xukuumadda mana yeelaan la wadaagaan talada siyaasinta kale waxaana laga dheehan karaa halkaa in kalitalisnimadu in ay tahay wax ka dhasha in qofku ismahadiyo dhagahana ka furaysto dhaliisha iyo dhawaaqyada ka soo kala yeedhaya siyaasiinta ruug ah.

Haddaba maanta waxaa dalka ku soo badanaya siyaasiin buuq iyo qaylo ku soo galaya siyaasada soona iibsaday shaadh siyaasadeed bulshaduna waxay ka dhigan tahay nin qoyani biyo iskama dhawro, dadka dalka dagana waxay ka ka gudbi la’yihiin wasiir waxma tare oo lagu harawsado xiitaa dhalinyaradii waxay noqdeen kuwo macalinkood siyaasadu xumaaday taasina waxay sababtay in ay dhalinyaro badani   marto ama ku hamido jidka kuwii ka horeeyay. .

W/Q: Abdinasir Ismacil Nuur

E mail Drnasir908@gmail.com .

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS