haatuf.net
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Maanta Sifo Sharciga Baalmarsan U Caydhiyey Garyqaankii Difaacayay Wargeyska HUBAAL
January 25, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sickness January 25, medical 2015 (Haatuf) – Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa la weriyey inuu shaqadii ka joojiyey garyaqaan Sacad Maxamuud Yaasiin oo ah looyarka u doodayay Wargeyska HUBAAL Ee Maxakamadda racfaanka gobolka Hargeysi xayiraada saartay.

Qareenka difaacaya Wargeyska iyo Mas’uuliyiinta HUBAAL, oo ah looyar si madax banaan uga hawl gala waaxda garsoorka ayaa ka sokow kiiska HUBAAL, isla markaana gacanta ku haya kiisas kala duwan oo dacwadahoodu ku jiraan heerarka degmo, gobol iyo qaran ee Maxakamadaha dalka ayaa la sheegay in maanta Guddoomiyaha Maxakamadda Dastuuriga ah ee JSL uu ka hor joogsaday dacwad aan ahayn midda HUBAAL, oo uu Garyaqaan Sacad difaacayay kaasi oo ku muddaysnaa saaka in fadhigeedu ka furmo Maxakamadda sare balse, sida HUBAAL Media ka soo xigatay mid kamid ah goob joogayaashii kiiskaas uu Guddoomiyuhu dib u dhigay fadhigaas isaga oo labada dhinac ee dacwaddu u dhaxaysayna ku war geliyey in fadhigooda dib loo mudaynayo. Isaga oo dhinaca kale qareenkan uu shaqada ka joojiyey ku amray in uu faraha ka qaado kiiskan isla markaana dibada uga baxo kaamboolka Maxakamada.

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Muxuu u Daliishaday Amar ku taaglayntiisa?

SacadXogaha qaddiyadan ee HUBAAL heshay ayaa tibaaxay in guddoomiyaha maxakmadda sare uu Amar ku taaglayntiisa u cuskaday falanqayntii sharci ee Garyaqaan Sacad ku naqdiyey xayiraaddii daba-keenka ahayd ee Maxakamadda racfaanka gobolku dib u saartay Wargeyska HUBAAL, kaas oo dharaarihii la soo dhaafay ay warbaahintu falanqaynaysay, doodaas oo bahda garsoorku ku tilmaameen in aanay meelna ka soo galin sharciyada wada shaqayneed ee labada dhinaca, maadaama oo Bahda Looyarradu ay ka madax banaan yihiin Maxakadaha, isla markaana aanu guddoomiyaha Maxakamaddu awood u lahayn in uu shaqada ka joojiyo ama uu awaamiir liddi ah siiyo Looyarka difaacaya kiisaska hor yaalla maxakamadaha.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in amintii uu Guddoomiye Yuusuf caydhinayay looyarkan uu ku tiraabay “Halkan qareen ka noqon mayside Orord oo TV-yada looyar ka noqo”, tiraabtaas oo u nuxur ahaan salka ku haysay shir-saxaafadeedkii uu qareen SACAD Maxamuud Yaasiin kaga hadlay geedi socodka kiiskii HUBAAL iyo baaqii uu Madaxweynaha u diray.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dhaxal wareejinta Madax banaannidii Garsoorka oo marka horeba dalluun ku dhacaysay, haatanna loogu quus goynayo Bahda qareennada madaxa banaan oo iyagu ka sii nool dhaqdhaqaaqyadii xuquuqda dulmanayaasha geylanka ugu jiray.

Guddoomiyaha Maxakmadda sare oo HUBAAL Media Isku dayday inay wax ka weydiiso jiritaanka arrintan iyo haddii ay jirto asbaabta uu u cuskaday ayaanay noo suurto gelin kadib markii aanu nasiib darro telefoonkiisa oo xidhnaa dareteed aanu heli weynay.

Dhinaca kale Garyaqaan Sacad Maxamuud Yaasiin oo aanu Wax ka weydiinay sida uu u arko amarkan ayaa ku tilmaamay mid qayru sharci ah isla markaana aanu guddoomiyaha maxakamada sare awood u lahayn inuu ka joojiyo shaqada iyo inuu abhiyo toona, “Anigu ma hoos tago Maxakamada Yuusuf Ismaaciil-na [Guddoomiyaha] ima xukumo, ee wada shaqayn uun baa naga dhaxaysa” sidaa ayuu yidhi Garyaqaan sacad, waxaanu intaa ku daray “ Anigu waxaan ahayn Looyar madax banaan, ruqsada Looyarnimadana Maxakamada iyo Xeer ilaalinta midkoodna nama siiso ee haddii la iga cabanayo, waxa jira nidaam sax ah oo loo raaco, aniga iyo looyarrada kale ee madaxa banaanba waxa rusqadda qareennimada na siisay guddi madax banaan oo loo yaqaan guddida rusqad bixinta qareennada, kuwaas oo bixiya liisanka qareenka, iyaga ayaa shaqada qofka ka joojin kara, una ogolaan kara in uu ku shaqeeyo looyarnimada” ayuu hadalkiisa ku ladhay.Photo File: Garyaqaan Sacad Maxamuud Yaasiin Oo Ku Gudo-jira Waajibaadkiisa Shaqo

Garyqaan Sacad waxa uu nasiib darro ku tilmaamay sharciyadda dalka u taalla iyo ixtiraamka nidaamka garsoorka oo maalinba maalinta ka dambaysa meesha ka baxaysa, isla mar ahaantaana jaran-jarrooyinka kala sarreeya ee caddaallada oo beryahan dembe tixgalinteedu sii naaqusayso. Sidaasi oo ay taasi sababi karto in meeqaamkii caddaaladdu gaadho heer kalsoonidiisa laga dayriyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha guddida rusqad bixinta qareennada Garyaqaan Yuusuf Kirix Cawad oo bahda HUBAAL khadka telefoonka ku raadisay si ay arrintan uga gungaadho ayaanay noo suurto galin kadib markii aanu weynay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS