haatuf.net
Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Calanka KULMIYE Ee La Gubay, Dibna U Milicsaday Calankii UDUB Ee Eyga Loo Xidhay Iyo Tirada Badan Ee Wasiirada
November 7, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, ed November 7, viagra 2014 (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Xukumaddii Rayaale Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Calanka Kulmiye ee Gabiley lagu gubay,heerka Qabyaaladu ka marayso Somaliland iyo guryaha dawladda ee Xukumaddu Iibiso,isagoo talooyina ka soo jeediyay

Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Waraysi siiyay Geeska Africa Waxa uu yidhi isagoo ka hadlaya Qabyaalada “Waxa jira arin inagu cusub, oo aad looga xumaado, oo Telefishanada lala soo fadhiisto, oo ah Qabyaalada, iyo haddii aanu reer Hebel nahay, ILLAAHAY SWT Quraankiisa waxa uu ku sheegay in Qabiilka loo sameeyey si la isku garto, Dhaxalka lagu kala qaato, balse Laan-dheeruhu waa  ka Alle ugu dhaw uguna cabsida badan, kaas ayaana Laan-dheere ah, Rasuulka SCW waxa uu yidhi Qabiilka marka si xun loo isticmaalo waa  qadhmuun ka xun Dhuusaada Dameerka, oo fitno waxa aan ahay ma bilawdo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Waxa uu ku taliyay in Golaha Guurtida oo u xilsaaran,amaanka,dhaqanka iyo Diintu curiyo xeer lagu xakamaynayo Qabyaalada,kaasi oo lagu ganaaxo cida warbaahinta la soo fadhiisata qabyaalad ama siyaabo kale u adeegsanaysa.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu  ka hadlay  khilaafka Baarlamaanka  “Waxaan maqlaayey waxa aanay sakaaro ka biirsan oo la isku hayo oo ah Golaha Wakiilada,madaama aan anigu aqoon u leeyahay waxa ka socda Golaha Wakiilada, haddii aan dib ugu noqdo waxa Golaha ka socda, marka la leeyahay Xeer, goorma ayuu Xeer noqdaa, goormu se dhaqan gala, marka Xeerka uu Madaxweynuhu uu soo curiyo, ama Xukuumaddiisu ay soo curiso, ee la keeno Golayaasha, Mashruuc Sharci weeye, Xeer maaha, marka Golaha Wakiiladu uu ka qabsado shaqadiisa, muxuu ugu wareejiya Golaha Guurtida, waa in la saxo wixii khaldamay, oo lagu isku celceliyo, marka Labada Gole ansixiyo, Madaxweynaha ayaa loo celiyaa, marka uu Madaxweynuhu saxeexo, ayaa uu noqonaya Xeer dhaqan galay, oo loo magaca bixinayaa”.

Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wixii Golaha Wakiiladu isku qabteen waxa aan u arkaayey wax aan buurnayn, oo aan ahayn in la isku qabtaba, haddii wax la khalday  waa la sixi karaayey, oo haddii qolo u aragtay in Xeerkii wax lagu daray, ama laga nusqaamiyey, markii loo yeedhay, waxa ay soo qori karayeen Mooshin, ayey odhan lahaayeen Xeerkaas soo dhiga, waxaas ayaa khaldanee, taas waa la waayey,Guurtida  ayaa loo gudbiyey, may ahayn in iyada oo Golaha Guurtida la hor dhigin in Guurtidu soo celiso Xeerkan, Mudanayaasha cabanayaa wey u gudbin karaan Golaha kale cabashadooda, Golaha Guuritdu waa inay  ka gudataa  Waajibkooda oo wixi khaldan ay halkaas ku saxaan”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlayey kulan uu arintan kala yeeshay Xoghayaha Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Anigu waxa aan la kulmay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada, waxa aan ku idhi haddii ay wax khaldameen adiga ayey Cabdirisaaqoow, wixii halkaas ka baxay, adiga ayey ku fadhidaa, waxa uu igu yidhi waayey Nimanka cabanayaa iyagaaba aqlabiyadiiye may yimaadaan, oo inta ay fadhistaan saxaan, arintaasna gar ayuu ku yeeshay”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey dulqaadka Xukuumadda iyo talooyin u soo jeediyey kana hadlaya calanka KULMIYE ee dhawaan la gubay iyadoo hore calankii xisbigii UDUB ey loogu xidhay, ayaa yidhi “Waxa aan leeyahay Xukuumaddu ha dulqaadato, oo Ninka Kursiga fadhiya, isaga lama haysto ee Kursiga ayaa lagu haystaa,ee ha dulqaato, wixii la xidhayana yaan la iska xidhan ee Waaran Maxkamadeed ha loo soo qaato.

Calankan la gubaayo, ama Ey lagu xidhaayo, ama Kabo la iska marinayo Silaanyo ma leh, laakiin waa inuu qofku ogaada inuu dad kale ama taageerayaal kale waxyeelayo, Xisbiyada waxa loo sameeyey in Qabyaalada lagaga badbaado, oo Saddex-daas Xisbi lagu kala faylo, Markii Calanka UDUB Ey-ga loo sudhaayey, Daahir Rayaale waxba lama yeelayn, laakiin taageerayaal badan oo UDUB ah ayaa wax la yeelayey, anaguna dulqaad ayaanu muujinay ee kuwana dulqaad ha muujiyaan, mana fiicna in Calan la gubo, Cod ayaad leedahay, ee cidda aad diidan tahay diida maalinta aad Doorashada, laakiin haddii Calamada la gubo waxa laga yaaba in dhibaatooyin iyo isku dhac yimaado”.

Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waa la ina soo galay, oo waxa aan qaba in faro shisheeye ina soo galeen, Nabadeena lama ogala, Rag ayeynu is haynaa, Rag ayeynu ka go’nay, oo aanu nidhi waxayagii ayaanu la noqonay, ee iyagu ina dayn mayaan ee Indhaha gudaheena aynu ka jeedino, oo kor aynu u jeedino, oo cidii nabadeena waxa yeelay waa in laga dagaalama, fiiro gaar ahna loo yeesha”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Dhulka Dawladda ee la sheegay inay Xukuumaddu iibinayso waxa uu yidhi “Laynka Bilayska talo ayaan ka soo jeedinayaa, oo waa meel ay Bilaysku iska leeyihiin, waxaana qabaa in loo hagaajiyo, waa badhtankii Magaalada, Bilayskuna kama maarmo,waxaana leeyahay wixii Danta Guud looga maarmayn waa in aan la taaban, wixii looga maarmayn iibna waa in si sharciya loo iibiya oo Guddida Qandaarsyada Qaranka loo gudbiyaa, wixii Umadda kicnaayana ha la joojiyo”.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa la su’aalay sida uu u arko tirada wasiirada ee xukuumaddan iyo xukuumadoodii, waxaanu yidhi   “Wasiiradii hore ee uu Daahir Rayaale qoray waxa ay u badnayd qeybtii u dambaysay ee Doorashada, Dawlad kasta oo timaadana waxa ay ku bilaabi Wasiiro kooban, waxaad mooda dadkeena inay Wasiiradu wax gaar ah u sidaan, balse Wasiiradu waa kaaliyaha Madaxweynaha, oo Somaliland Wasiirka adigu ma lihid ee waxaad leedahay Xildhibaanada Golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka, kuwaas ayaa ku matala,Madaxweyne walba marka uu yimaado, oo uu koobo Wasiiradiisa, beel beel ayaa loogu imanayaa, oo waxa lagu odhanayaan beesha Wasiir soo siisi, waana waaqici jira, taasna waxa lagaa baxayaa marka dalka la ictiraafo, laakiin Madaxweyne walba wuu ku qasban yahay inuu Wasiirada badiyo, maxaa yeelay qabyaaladaa ayaa meel xun inaga maraysa, Xukuumadduna marka meel ay ka dhacaan halka ay ka diri lahayd Wasiirada waa inay dirtaa Xldhibaanada, maxa yeelay iyaga ayaa Shacabkii matala ”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS