haatuf.net
Fadeexado Ka Dhashay Wakaaladda Korontada Hargeysa Oo Doollar Ka Dhigtay Biilashii Ay Shilinka Somaliland Ku Qaban Jirtay
January 31, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, here January 31, link 2015 (Haatuf)-  Wakaaladda Korontada Hargeysa ayaa markii ugu horaysay Macaamiisheeda ku soo rogtay in ay biilasha ku soo bixiyaan Doollarka Maraykanka, try  iyadoo markii hore bulshadda isticmaasha korontadeeda kaga qaadi  jirtay lacagta shillinka Somaliland.

Sida ay sheegen qaar ka mid ah macaamiisha Wakaaladda korontada Hargeysa ayaa Sheegaya in Maamulka Cusub ee Wakaaladdu ku wargaliyeen in ay biilasha ku soo  bixiyaan Dollar,  waxaanay ku doodeen in ay arrintani saamayn ku yeelanayso dadweynaha.

Sicir bararka naafeeyey Somaliland ayey dhaqaalayahanada qaarkood ku doodaan in ay ka timaad isticmaalka shillinka Somaliland oo suuqyada ganacsiga ku sii yaraanaya, gaar ahaan adeegyaddii Bulshada oo ay dhammaan dadku ku saleeyeen lacagta dollarka.

Go’aankan ay wakaaladda korontada Hargeysa ku joojisay isticmaalka shillin-ka dalka ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii dhawaan ay xukuumaddu sheegtay inay warshadda ku wareejisay xubno ganacsato ah oo aanay ummadda u soo bandhigay nidaamka iyo sharciyada ay u martay iibka warshadda korontadda dawladda ee magaaladda Hargeysa.

wershada laydhka

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS