haatuf.net
“Madaxweynuhu Haddu Doorashada Wakhtigeeda Ku Qaban Waayo Wuxuu Noqonayaa Mid Distoorka Jabiyay” Xildhibaan Rayte
February 1, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa February 1, stomach 2015 (Haatuf) – Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte) oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo aanu diyaar u ahayn in uu dalka doorasho ka qabto, allergy | waxaana uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo aanay islahayn hadalkiisa iyo ficilkiisa toona, cialis isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo aanay u diyaar garoobin in ay dalka doorasho ay ka qabtaan.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali, oo Geeska Africa u waramay ayaa Wasiirada Siilaanyo ku eedeeyay inay hadalada Madaxweynaha beeniyaan”Waan arragnaa kala hadalka xukuumada, waana calaamad xukuumadani leedahay in ay dhawr aff oo kala duwan ay ku kala hadasho, in madaxweynahii hadlay uu wasiirkiisii ka daba hadlo oo waxii uu yidhi uu beeniyo, waa waxyaabaha xukuumadan mar walba lagu tilmaamo ee astaanta u noqday.

Waxaan qabaa doorashadu in ay dhacdo oo ay xiligeedii ay ku dhacdaa waa waajib distoori ah, waajibkaasina waxaa uu saaran yahay madaxweynaha, Madaxweynahuna haddii uu waajibkaa fulin waayo waxaa uu noqonayaa nin distoorkii jabiyey.

Doorashada waxa aanu annagu ka xisbi ahaan uga fadhinaa mar horena Madaxweynuhu wuu sheegay, baarlamaankana waa uu ka sheegay, maalintii dhawaydna umadda ayaa uu u sheegay in ay doorashadu ay xiligeedii ay ku qabato, uuna isagu diyaar u yahay hase yeeshee ficilka ama astaamaha ka muuqda xukuumadan sida ay ka mid tahay wasiirada hadlaaya ee leh doorashadu dib ayaa ay u dhacaysaa iyo ficilada kale ee ay xukuumadu ku kacaysaa iyo waliba in aanay xukuumaddu u diyaar garoobaynin xisbi ahaan ama xukuumad ahaanba waa ay muuqataa oo waa wax ay dadku wada arkayaan.

Maah-maah aff Ingiriisi ah ayaa tidhaahda ficilku waa ka dhawaaq dheer yahay hadalka, hadalka uu madaxweynahu yidhi waa aynu maqlaynaa, ficilkiisiina waa aynu arkaynaa labaduna aad ayey u kala duwan yihiin, Doorasho in ay qabsoonta dadka, xisbiyada mucaaradka iyo aduun waynahuba waa ay uga fadhiyaan ma aamin sani anigu shakhsiyan in madaxweynahu uu doorasho u diyaar yahay iyo xukuumadiisuba in ay u diyaar garawday ma qabo”Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte, ayaa Wada hadalka Somaliland iyo Somalia ku tilmaamay carqaladda kaliya ee waydaysay Siyaasadda Arrimaha dibadda iyo hanaanka Citiraaf raadinta Somaliland “Waa ay cadahay oo waa ay muuqataa in siyaasadii arrimaha dibadu ay soo laa’laabatay sababta ugu weynina ay tahay guul-darro ka timi dhinaca xukuumada.

Waxa kale oo aan qabaa waxyaabaha siyaasadda arrimaha dibadda iyo rajadii aqoonsiga daciifiyey, waxa weeyaan wada hadalada ma’ dhalayska ah ee aynu la wadno Somaliya, sababta oo ah cid waliba waxa ay ku odhanaysaa dee wada hadal ayaa socdee, wada hadalkaas waxa ka soo dhasha ama ka yimaada aan sugno yeynaan ka hor dhicinee, cidina maanta go’aan ma’ qaadan karto inta wada hadaladaa aynu ku jirno, go’aan Somaliland lagu ictiraafo cidina ma’ qaadan karto, sababta oo ah waxa loo arkayaa cid ka hor dhacday natiijadii wada hadalada, natiijada wada hadalkuna maaha kuwo waxa aynu doonaynay ay ka soo baxayaan.”

Xildhibaan Rayte waxa uu naqdiyay sida Xukumaddu u wado wada hadalka “anigu wada hadalka ma diidani mabdi’iyan laakiin qaabka ay xukuumadu wax u wado ayaan aad u diinahay, waxa weeyaan wada hadalku waa wada hadal qaran, wada hadal xukuumadeed maaha, wax xisbi gaar ahi uu leeyahayna maaha, waxa weeyaan waxii halka lagu gaadhana wax loo dhan yahay in ay noqdaan weeyaan, maaha wax xisbi qudha ahi uu soo qaatay, sideeba dadka kale iyo hay’addaha loogu qancinayaa marka ay iyadu soo qaadato go’aamo.

Waxaan leeyahay talabaad dadka wada hadalada ka qayb galayaa maaha dadkii ku haboona wada hadalada oo khibradeedii, aqoonteedii, farsamadeedii iyo waayo arragnimadeedii siyaasadeed dad leh ma’ aha, dad waxaa loo baahan yahay qaran oo koox buuxda ah oo isu dheeli tiran, oo aqoonyahankiisa leh, farsamo yaqaankiisa leh kana wada kooban xisbiyada iyo goleyaasha oo umadda mideeya ay wada hadalka galaan, maaha in Laba wasiir iyo saddex wasiir ay kolba meelo wasiiro kale kula shiraan”Ayuu yidhi Md:Rayte. Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte).xildhibaan-Rayte

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS