haatuf.net
Midowga Yurub Oo Ka Tashanaya Laba Dariiq Oo Ay Taageeradooda Dhaqaale U Soo Mariyaan Somaliland
February 1, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, medstore February 1, generic | 2015 (Haatuf)- Madaxa xafiiska Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii shacabka Somaliland u heli lahaayeen biyo nadiif ah, isla markaana ka go’an tahay taageerida horumarka Somaliland.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo beesha caalamku ogyihiin mowqofka bulshada Somaliland ee ku aaddan qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo badhtamaha sannadkan loo muddeeyey, taasina ay dhiirri-gelinayaan oo ay taageersan yihiin.

Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya isla markaana uu kaga hadlay arrimo khuseeya horumarinta kaabasyaasha dhaqaale iyo bulsho ee Midowga Yurub ka caawiyaan Somaliland, ayaa u dhacay sidan:-

Sannad iyo dheeraad horteed Midowga Yurub iyo hay’adaha ICIPE, FAO, waxay daahfureen mashruuc caanaha Hargeysa, oo taageeraya, halkuu ku dambeeyey, maxaa ka hirgalay?

Sannadkii u horeeyey diyaar-garowga mashruucan waxaan caawinay beeralayda Arabsiyo inay horumariyaan daaqa xoolaha. Waxaan qorshaynay dib-u-dhiska sariibada Gobanimo, oo dhamaadka sannadkan la isticmaali doono. Waxaan diyaarinay shan goobood oo qaboojiyeyaal laga samayn doono deegaanada xooladhaqatada oo bisha shanaad sannadkan shaqeyn doona, kana faa’iidaysan doonaan 1000 xoolo-dhaqato

Waxaan abuurnay iskaashatooyin caanaha, waxaan sidoo kale ugu tallogalay dhaqaale gaadhay afar boqol Euro lagu taageerayo dhalinyarada iyo haweenka inay ku horumariyaan shaqooyinkooda caanaha.

Waxaad sheegtay in mashruuca loo qorsheeyey Hargeysa, gobolada kale maxaad ugu talogasheen, miyanaay taasi ka dhex-abuuri karin khilaaf gobolada iyo bulshada Somaliland guud ahaan?EU

Hargeysa waa suuqa ugu badan caanaha Somaliland, oo dad lagu qiyaasay ilaa milyan iyo laba boqol ku noolyihiin. Xilligan caanaha lagu iibiyo Hargeysa waa loo soo dhoofiyaan sida caana-boodhaha, taasina waxay caqabad ku tahay in ganacsigaasi horumar sameeyo, oo dhaliyaro badan shaqooyin ka helaan. Muhiimada mashruucu waa ibo-furka faa’iidada ganacsigaasi iyo horumarinta dakhliga caanaha.

Mashruucaasi ma filayo inuu khilaaf ka dhexabuuri doono gobolada, maadama Midowga Yurub hore u bilaabay taageerida mashaariicda caanaha ee gobolada kale. Tusaalaha ugu dambeeey een ka sheegi karaana waa Burco oo mashruuc kala duwan oo lagu taageerayo haweenka ka ganacsada caanahu natiijooyin fiican laga gaadhay.

Muddo intee le’eg ayuu soconayaa mashruucu, korodhsiimo ma leeyahay?

Mashruucu waxuu dhamaanayaa 30 June 2016. Way adag tahay sheegideeda wakhtigan inaan sii wadi doono taageerida mashruuca, markuu dhamaado, sababo badan awgeed. Mashruucu waa inuu noqdaa mid guulaysta, saamayn yeesha, dhaqaale loo helo, isla markaana ku jiro muhiimadaha mashaariicda xukuumada Somaliland.

Goorma ayey Midowga Yurub bilaabi doonaan inay taageeradooda ku soo shubaan Sanduuqa horumarinta Somaliland? Dakhli intee le’eg?

Midowga Yurub wakhtigan waxay ku hawlan yihiin baadhitaanka dariiqyadii ay taageeradooda ugu soo biirin lahaayeen sanduuqa horumarinta Somaliland. Si kasta, waxaan sidoo kale isku deyeynaa inaan taageeradayada baahiyaadka Somaliland u soo marino sanduuqa Baanka Aduunka. Labada xalba wakhtigan waanu ka tashanaynaa.

Maxaa hortaagan taageeradii dhinaca biyaha ee Midowga Yurub u ballanqaaday bishii March, 2013, oo gaadhaysay 25 million EUR ku taageerayey Somaliland iyo 1.5 milyan EUR loo qorsheeyey cusbitaalka Guud ee Hargeysa?

Midowga Yurub hawlo muhiim ah ayey ka wadaan biyaha Somaliland, waxaana naga go’an in biyo nadiif ah helo qof kastoo ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Guud ahaan ballanqaadyada Midowga Yurub ee ku waajahan biyaha waxay yihiin afar mashruuc.

Hargeysa waxaan bedelaynaa dhuumaha biyaha soo gaadhsiiya magaalada ee Geed-deeble oo afartan sannadood shaqeynayey, waxaanu sidoo kale balaadhin doonaa nidaamka qeybinta biyaha magaalada, si qof walba oo Hargeysa jooga u helo biyo saafi ah. Wejigii diyaargarowga ayaa wakhti qaatay, balse wuu gebgeboobay, shaqadii soo dhigitaanka dhuumaha cusub waxay bilaabi doontaa bisha March sannadkan.

Magaalooyinka Burco, Boorama, Tog Wajaale iyo Ceerigaabo, Midowga Yurub waxuu ka wadaa hawlo degdeg ah oo lagu casriyeynayo biyo qeybinta. Tog-wajaale, qeybtii u horeysay ee dhuumahii biyaha way gaadheen, hawshiina way socotaa. Boorama iyo Ceerigaabo wejigii ugu dambeeyey ee diyaarinta hawshu way dhamaatay, hawlahii xigay dhowaan ayey bilaabmayaan.

Ugu dambayn, waxaan dhamaynay sare-u-qaadka helitaanka biyo saafi ah iyo taageerida faya-dhowrka ee Togdheer, Maroodi-jeex iyo Sool.

Dhinaca cusbitaalka guud ee Hargeysa, mashruucii hirgelintiisa ayuu ku jiraa, hawlo badan oo la xidhiidha maamulka qalabka caafimaadka, hagaajinta hab maamulka, way socdaan. Kaabayaasha mashruucu waa dayactirka mishiinka, iyo dhinaca dabka oo maamulka cusbitaalku codsadeen, waxaanay dhamaan doonaan bilaha soo socda.

Dad badan ayaa aaminsan sababta Midowga Yurub iyo beesha caalamku u taageeraan Somaliland tahay doorashooyinka iyo nidaamka dimoqraadiga, sidaad u aragtaa? Sidoo kale hadii doorashada la filayo inay dhacdo sannadkan u qabsoomi weydo muxuu yahay mowqifkiinu?

Sababta taageerada Midowga Yurub ee Somaliland waa baahida horumarka oo muhiim ah, waxaana naga go’an inaan la dagaalano gaajada meel kasta adduunka. Laakiin, waa dhab in la dagaalanka gaajadu aanay soconayn hadaanu jirin maamul-wanaag.

Nidaamka dimoqraadigu waa wadiiqo lagu gaadho maamul-wanaaga, dhiirigelinteeduna waa muhiimada Midowga Yurub. Waxaan qeyb ka nahay guddiga isku-duba-ridka oo ku jiraan  Denmark, Midowga Yurub, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska iyo Maraykanka, oo kormeera, isla markaana taageera nidaamka dimoqraadiyada Somaliland. Waxaan ka caawinaa komiishanka doorashooyinka qorshahooda hirgelinta doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee June 2015, una soo jeedinaynaa dhamaan dhinacyada Somaliland inay socdaan jihadaa, oo ku qotonta balanqaadkii xukuumadda. Waxaan ogahay in bulshada Somaliland taa sugayaan, beesha caalamkuna waa inay xushmeeyaan, isla markaana tagaeeraan doonista shacabka. Source:Himilo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS