haatuf.net
Wixii Kala Qabsaday Laba Qoraa! W/Q: Mustafe M. Khayre
February 1, 2015 - Written by Admin Two

Qoraaga caanka ah William Zinsser ayaa buuggiisa “On writing well” ku soo bandhigay arrin cajiib ah oo uu la kulmay  maalin uu ka qayb-galay munaasibad uu qabanqaabiyey dugsi ku yaal gobolka Connecticut ee Maraykanka taas oo loogu magac-daray “Maalinta Qalinleyda”.  Waxay ahayd dhacdo xiiso leh oo ka fikirsiin karta qof kasta oo qoraa ah ama jecel in uu noqdo.

William waxa loo soo casuumay in uu ardayda u jeediyo weedh dhiirigelin ah. Gaar ahaan waxa loo xilsaaray in uu sawir ka bixiyo xaaladda dadka ay qoraanimadu u tahay shaqadooda rasmiga ah.  Goortii uu madasha yimid William wuxu ku war helay in uu goobta ku weheliyo qoraa kale oo la yidhaa Dr. Brock oo isagana laga codsaday uu ka waramo waxa ay tahay xaaladda qoreyaasha ay wax-qoristu u tahay wax ay xiiseeyaan oo kaliya laakiin haysta shaqooyin kale oo ay noloshooda ku dabbaraan.

Labadii qoraa waxa la soo fadhiisiyey madal ilyartu is qabatay ardayduna u dhego-taagayaan in ay wax ka ogaadaan siraha ku duuggan qoraanimada.  Su’aashii koowaad ardaydu waxay ku bilaabeen Dr Brock, order sidan ayaanay wax u dhaceen:

Ardaydii: Maxay ka dhigan tahay in aad qoraa ahaato?

Dr. Brock: Waa shaqo xiiso badan oo maad miidhan ah. Aniga oo daallan marka aan cisbitaalka ka soo rawaxo ayaan u fadhiistaa wax qorista kadibna wixii qulub shaqada iga soo raacay halkaasaan ku sii daayaa. Waa shaqo iska hawl yar.

William:  Wax-qoristu mana hawl yara maadna ma laha. Waa shaqo adag oo cidlo-joog badan. Ereyada aad raadinaysaana in ay dhakhso kuugu soo xaadiraan lagama yaabo.

Araydii: Muhiim miyey tahay in aad dib uga shaqayso wixii aad qortay?

Dr. Brock: Maya. Muhiim ma ah sababtoo ah waa shaqo iska dabiici ah. Kaliya waxad u baahan tahay in aad qalinka qabsatid qoraalkaagana dareeriso. Ereyada iyo weedhaha aad u baahan tahay iyaga ayaaba kugu soo degaya.

William: Qoraaga xirfadlaha ahi wixii uu qoro dib ayuu uga shaqeeyaa marar badan. Haddana marar kale ayuu kasii shaqeeyaa wixii uu hore dib uga shaqeeyey.

Ardaydii: Maxaad yeeshaa mararka uu qalinku kugu fool adkaado?

Dr. Brock: Waan joojiyaa qoraalka oo maalin baan dhinac isaga riixaa. Maalinta dambe marka jawigaygu isku dubadhaco ayaan halkiisii ka sii wadaa.

William: Qoraaga xirfadda lihi waa in uu shaqadiisa jadwal u dejistaa, jadwalkaasna ku adkaystaa. Wax-qoristu waa shaqo dhab ah sidaas darteed ninka shaqadiisa uga carara way igu adkaatay naftiisa ayuu yasayaa.

Ardaydii: Bal ka warrama haddii aan isku yara buuqo ama aan dareemayo degenaansho la’aan maskaxeed?  Miyaanay tayadii qoraalkayga saamayn ku yeelanayn?

Dr. Brock: Haddii ay taasi dhacdo iska soo kalluumayso ama meelahaas soo mijo-baxso.

William: Qoristu waxay la mid tahay shaqooyinka kale. Haddii aad qoraa tahay waad ku qasban tahay in aad fadhido oo aad qoraalka sii waddo si kasta oo jawigaagu yahay.

Ardaydii: Qoreyaasha ma ka dhaxaysaa bulshonimo, ma isugu yimaadaan goobaha lagu sheekaysto, dadka kale se wakhti ma la qaataan?

Dr. Brock:  Intii aan qoraaga noqday ayaaba la ii tiriyaa bulshonimo. Maqaaxi ku taal suuqa Manhattan (New York) ayaa qoreyaasha iyo tifaftireyaashu isugu yimaadaan oo aanu sheekooyin ku qaadaa-dhignaa.

William: Qoraayada xirfadleyda ahi waa gooni-socod. Waana dhif inta ay is  haleelaan qoreyaasha dhiggooda ah.

Markii la gunaannaday munaasibaddii ayuu Dr. Brock jaleecay dhinicii William wuxuna ku yidhi “aad baan u uga helay jawaabahaagii, weligayna maan filaynayn in qoristu tahay shaqo adag.” William-na wuxu ugu jawaabay “Qudhaydu waan xiiseeyey jawaabahaagii, sababtoo ah maan fileyn in aan la kulmi doono qoraa aaminsan in wax-qoristu tahay hawl sahlan”.

Labadii qoraa waxay goobtii ka tageen ardaydii oo jahowareersan garana la’ kii ay rumaysan lahaayeen. Adigu keebaad warkiisa qaadan lahayd?

mustafekhaire@gmail.comMustafe_Kheyre (1)

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS