haatuf.net
Isku-Shaandheyntii Madaxweyne Siilaanyo Ma Waxay Noqotay Cir-Caddaadi? W/Q: Cabdi Casiis Bashiir Nuur
February 1, 2015 - Written by Admin Two

Muddo hada laga joogo sannad iyo badh waxa soo baxayey xoggo, treat sidaa dabayl-xaggaada uga kacayay  Qasriga Madatooyadda Somaliland, view qorsheyaal aan midho-dhal noqon oo tibaaxayey in Madaxweyne Siilaanyo boodhka ka tumayo Gollihisa xukuumada, arthritis oo  intaa badan si cad loogu  dhaliilo, kala danbeyn la’aan, Maamul-xummo, Musuq-maasuq iyo xubno ka mid ah wasiirradda, oo lagu eedeeyo inay maroor-sadeen awooddaha Dastuuriga ah ee Madaxweynaha, kuwaasoo ku samaynayo  isku-shaandheyn xumad jabin ah.

Isku shaandheyntan oo markasta oo hadal-hayn teeddu soo baxdo jahaweerar xooggani ka dhasho, ayaa haddana noqota mid sidaa Dabay-sha uu dhaafta Shacabka dhexdiisa, iyada oo muddada ay socoto-na  noqotao Mabduuc-yada ay warbaahinta sida weyn  rog-rogto, kuna Jahaysan indhaha dadweynaha. Iyadoo ay Saxaafaddu adeegsanayso ilo-xogeedyo kala duwan oo laga helo dad  aad  ugu dhow-dhow xayn-daabka Xukuumada iyo Qasriga Madaxtooyadda oo mar xaqiiqada laha hadlayo xoggaha ay bixiyaan aan lagu tilmaami karayn warar Boro-bagaando ah, balse lagu miisaami karo xan-sheeg-madeedu ka dhigantay xan kasoo fakatay dadka ku dayran La-taliyeyaasha khaaska ah ee Madaxweynaha Kursiga fadhiya iyo kuwa dhega-dhegeeyay dhaqdhaqaaqyada ka socda hareerihiisa, isla markaana inta badan  fashilisa Hindiseyaal  aan wali bislaan oo kasoo fuli lahaa Madaxweynaha Qaranka.

 

Tusaalle ahaan hadal-hayntii uu danbeysay ee isku-shaandheynta Xukuumaddu waxa ay soo Baxday badhtamihii Bishii Decenber 2014-kii, taaso dhawr Todobaad sidaa Lubaanka u dhex-wareegaysay Goobaha siyaasadda lagu falan-qeeyo iyo kuwa Bulshada caadiga ahi ku kulaanto. Waxaana  rogrogista mawduucan ee  u danbeeyey loo  sibir saaraayey mid duruufi keentay ah oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku qasbayso  inuu la yimmaado israatijiyad uu ku saxayo gol-dalooloyinka ka muuqda Xukuumadiisa, kagana jawaabo tabashooyinka uga imanaaya Beelaha qawadsan sami-qaybsiga Kuraasta Xukuumiga ah,  gaar ahaana Wasaaradaha shil-shilis iyo Shaqaalaha Dawladda.

 

Inkasta oo xam-xamta ku saabsanayd shaxda cusub ee jadiidinta muuqaalka xukuumadda oo ay raaciyada  Siyaasaddu farta ku fiiqayeen  Wasiirrada ah ee Seefta Madaxweynuhu dul-saarantay,  ash-khaasta lagu bedelayo iyo  sidoo kale qastiga ugu weyn ee looga  gol-leeyahay qadiyadan, ayaa muddo markii xiinkeeddu sida dhibicda roobka ka soo guuxayay Madaxtooyada meel dhexe ku gudhay,sidii roob cir-cadaadi noqday oo dhexda ku qaaday.

 

Waxaanay mar kale shacabku isweydiinayaan, ma madaxweynaha ayaa ka noqday qorshihii isku-shaandheynya, mise xoggihii ka soo baxay taabiciyiintiisa khaaska ah, ayaa ahaa kuwo Bulshada lagu yool-baadhayo si loo ogaado dareenkooda la xidhiidha arrintan.

 

Ma jirto cid si sax ah uga jawaabi karta labadan Su’aallood oo aan ahayn cidda mindidda daabkeeda haysa ee ay ka go’aan fulinta go’aamada maamul ee Qaranku, hase ahaatee waxaan mugdi ku jirin inay Madaxweyne Siilaanyo hor-yaallaan Cawaaqibyo is-barkan oo  ku khasbaya inuu wax ka bedelo Muqaalka Siyaasaddeed ee xukuumaddiisa, maadaama uu haysto wakhti cidhiidhi ku ah oo uu waajahayo Loollan Doorasho iyo guluf laba eef ah oo ka dhalan kara dib u dhac kasta oo ku yimaada Doorashada maalin tirsigeedu bilaabmay oo uu xilligeedu kaabiga yimi, iyadoo aanay kabi u yeelnayn hogaamintiisa.

 

Qalinkii Cabdi casiis Bashiir Nuur

Tel; 4144434

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS