haatuf.net
Xaaska Cali Khaliif Oo Bixisay Xogo Ku Saabsan Qorshe Sirdoonka Maraykanku Saygeeda Kaga Badbaadiyay Ciidanka Somaliland
February 2, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, cheao viagra February 2, asthma 2015 (W.Wararka) – Xaaska Hogaamiye kooxeedka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, oo lagu magacaabo Maryan Cabdi Biixi, ayaa sheegtay in FBI-da Maraykanku Saygeeda kaga badbaadisay Qorshe Ciidanka Qaranka Somaliland ku qaban lahaa.

Xaaska Cali Khaliif, oo Bilihii la soo dhaafay u warantay Telefishanka Somalitv oo fadhigiisu Maraykanka yahay ayaa sheegtay FBI-da Maraykanku gurigeeda Maraykanka ugu timid una sheegtay inay hayaan xogo sheegaya in Cali Khaliif  oo wakhtigaasi ku sugnaa Aagga Saaxdheer ama Xuduudka Ethiopia Ciidamada Somaliland u maleegayaan Qorshe lagu dilayo.

Waxay sheegtay in intaas kadib FBI-du xidhiidh la samaysay Cali Khaliif, sidoo kalena Safaaraddaha Maraykanka ee Ethiopia iyo Kenya la soo xidhiidheen Cali Khaliif, laguna war galiyay Qorshahaasi Ciidanka Somaliland la maaganaa.

“Waxay damceen Somaliland inay dilaan Cali Khaliif Galaydh,waxaa Gurigayga Iigu yimid oo igu yidhi waxaanu Ognahay Cali Khaliif oo shir qool loo dhigayo, oo la doonayo in la dilo.waxay yidhaahdeen waa inuu is-jiro, markaas way wada hadleen FBI-da iyo Cali oo safaaradda Maraykanka ee joogta Ethiopia iyo ta kenya ayay wada hadleen isagoo joogay wakhtigaas Saaxdheer” ayay tidhi Xaaska Cali Khaliif.

Sida la ogyahay Ciidanka Qaranka ayaa Cali Khaliif iyo kooxdiisa intii lagu guda jiray dabayaaqadii sanadka dhamaaday ee 2014-ka, waxay Cali Khaliif iyo kooxdiisa ka sifeeyeen meelo badan oo fadhiisin u ahayd,sida Taleex iyo Saaxdheer oo ah halkii ugu dambeysay oo uu marar dirqi kaga baxsaday Ciidanka Qaranka Somaliland. Wakhtiyadaasna waxaa soo baxayay walaacyo Maraykanka iyo wadamada kale ee reer galbeedku ku sheegayeen in ciidanka Somaliland dib uga soo baxo aagaasi.

Wargeyska Saxansaxo ee Hargeysa ka soo baxa oo soo xiganaya warar la xidhiidha Cali Khaliif ayaa sheegay inuu Cali Khaliif sheegay inaanu ku soo noqon doonin Saaxdheer maadaama aanay u joogin Ciidamo uu leeyahay oo difaaca. hadalka Xaaska Cali KHaliif ayaa u muuqda in FBI-du Cali Khaliif u gudbisay xogo ku saabsan qorshaha Ciidanka Somaliland oo maaganaa qabashada Cali Khaliif.

Cali Khaliif Galaydh

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS