haatuf.net
Xuska Sannad-Guuradda 21-aad Ee Aas-aaskii Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Lagu Qabtay Kuulliyadda Tababarka Ciidanka Ee Dararweyne
February 2, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale February 1, 2015 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa manta ka qaybgalay xuska sanadguuradda 21-aad ee ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu qabtay kuulliyada tababarka ciidanka ee Dararweyne, isla markaana xadhiga ka jaray mashaariic u qabsoontay ciidanka.

Xuskan sanadguurada 21aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo markii u horeysay lagu qabto goob ka baxsan taliska guud ee ciidanka qaranka oo ku yaala caasimada Hargeysa ayaa Madaxweyne Silaanyo  markii uu halkaasi gaadhay waxa uu ugu horayn salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu uga sii gudbay dhinaca kuulliyada, isaga oo xadhiga ka jaray  mashaariic dhawr ah oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014ka oo ay ugu waaweynaayeen, Furitaanka guri ballaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil-ku-xigeenka Kulliyada tababarka dardarweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray qolka shirarka kulliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu tallo-galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nastaan, kuna cuntayn karaan.

Waxaanu madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland. Madaxweynaha oo ku guda jira mashaariicda kala duwan, wuxuu ugu danbayn xadhiga ka jaray hool weyn oo loogu talo galay inay 200 oo sarkaal  ku cuntayn karaan kaasi oo ay u dhamaystirnaayeen guud ahaan qalabkii loogu tallogalay, waxaanu madaxweynuhu soo kormeeray guud ahaan Kulliyada, isaga oo faah-faahina ka siiyey taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, Ismaaciil Shaqale. ka dibna waxa madaxweynuhu ku soo laabtay xaruntii loogu talo galay inay ka dhacdo xaflada sanad guurada ciidanka oo ahayd isla Dugsiga kulliyada gudihiisa laguna qabtay hool weyn oo loo asteeyey xaflada. halkaasi oo markii madaxweynuhu soo gaadhay ay ka bilaamantay xafladii sidii caadadu ahaydna lagu billaabay aayadaha qur’aanka kariimka ah, waxaana ku xigtay riwaayad loogu magacdaray Isma-qabanayaan laba oo uu sameeyey Abwaan gaashaanle sare Cali Barre Xuseen oo kaallin weyn kaga jirta dhanka Curinta iyo hal abuurnimada Ciidanka Qaranka. ka dib markii ay dhamaatay riwaayadu waxa la guddo galay khudbadihii munaasibada, waxaana hadalka billaabay gaashaanle sare Batuun Maxamuud Guuleed waxaanu ku soo dhaweeyey hogaanka tababarka gaashaanle sare Axmed Tansaani, oo isna ku soo dhaweeyey taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale oo isna ku soo dhaweeyey Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji CalI Cadami oo isna ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo carruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan ee qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhamaan shacab-weynaha Somaliland guddo iyo debadba.

Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso.

Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.

Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in saddex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay.

Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa  in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.

Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD  taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karnaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.

Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay inay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.

Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa inaad mar walba illaalisaan dhisibiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah”.

ka dib khudbada madaxweynaha waxa iyana halkaasi lagu soo xidhay kulliyada tababarka saraakiisha oo nasiib wanaag la dabaaldegay sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen balse ay iyagu kaga duwanaayeen tababarka u soo xidhmay maanta, waxaana shahaadooyin la guddoonsiiyey saraakiil ka kala socday Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda waxaanu madaxweynuhu abaalmarino qaaliya guddoonsiiyey saraakiishii galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.

Sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf guddoonsiiyey 10 sarkaal oo ahaa kuwii ugu sareeyey saraakiishaasi tababarka kulliyadu u soo xidhmay, kadibna waxa halkaasi ku soo xidhantay xafladii loogu dabaal-degayey Sanadguurada 21aad ee ciidanka qaranka iyo xafladii xidhitaanka tababarka layliska saraakiisha ciidamada oo ka koobnaa xiddigle ilaa dhame ama kabtan.

 

xuska-qaranka2xuska qaranka1

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS