haatuf.net
Hubkii Iyo Gaadiidkii Dagaalka Ee Saarnaa Markabkii Berbera Ku Xayirnaa Oo La Sheegay In Dawladda Iiraan Ku Caawisay Somalia, Una Soo Marisay Xukuumadda Sudan
February 3, 2015 - Written by Admin Two

Amarkan Danbe Ee Hubka Loogu Daabulay Markabka Ayaa Waji Gabax Ku Noqday Warancade  Oo Isagoon Madaxwaynaha Iyo Xukuumadda Inteeda Kale Midna Kala Tashanin  Amar La’aan Dajiyey

Hargeysa, ailment February 3, sale 2015 (Haatuf) – Xukuumadda Siilaanyo ayaa amartay in dib loogu daabulo hubkii iyo gaadiidkii dagaalka ee saarnaa Markabka MV-Shaakir ee maalmihii u danbeeyey ku xayirnaa dekadda magaaladdda Berbera, kaas oo xalay ilaa saaka dib loogu daad-guranayey isla markaana maanta aanay dekadda magaaladda Berbera shaqaynin oo arrintaasi loo xidhay.

Xogo laga helay Hubka saaran markabkan ayaa sheegay in hubkani ay dawladda Iiraan usoo dirtay Somalia, taas oo usoo marisay xukuumadda Khartuum oo iyadu qaaday masuuliyada lagu gaadhsiinayo hubkan iyo saanadan milatariga magaaladda Muqdisho.

Shixnaddan ayaa sida xogahani iftiimiyeen dawladda Iiraan ugu deeqday Somalia, kaas oo loogu talogalay in xarunta maxtooyada dawlada Xamar lagaga difaaco weerarada ay ku soo qaadaan dagaalyahanada Alshabaab.Hadaba hubkan oo ay ku jiraan gawaadhi gaashaaman oo ah nooca aanay rasaastu karin ayaa sida aynu xusnay xukuumadda Iiraan waxay Somalia u soo marisay dalka Sudan oo ay xidhiidh fiican la leedahay iyadoo ay labadaas wadan ay hore isaga kaashan jireen hub Iran lagu sameeyo oo loo diri jiray ururada Xisbula iyo Xamaas, kaas oo loo marin jiray dalka Sudan dabeetana tahriib lagu galin jiray Qaza iyo Lubnaan.  hubka

Sida la ogsoonyahay dawladdaha Sudan iyo Djibouti ayaa maalmihi ina soo dhaafay dadaal ugu jiray in hubkaasi ay Somaliland sii dayso. Masuuliinta Somaliland qaar ka mid ah oo ku doodayey inay qaladtahay in Somaliland hubkaas la wareegto ayaa waxay ku andacoonayeen in hubkani ahaa qalab lagu sameeyey  Sudan oo dalkaasi kaga qaygalayo carwo hubka ah oo bishan ka furmaysa magaalada Abu-Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta.Hasa yeeshee waxa arintaasi daadafeeyey khubaro aqoon u leh sancada hubka waxaanay sheegeen in dalka Sudan aanu gaadhin heer u sameeyo Kaareyaal, gaadiidka gaashaaman iyo madaafiic toona. Sida la ogsoonyahay waxa xata qalabka markabka saaran ka mid ah gawaadhida maraykanka ah ee loo yaqaano Humvee /Hummer ee aanay rasaasta yaryeri dhaafin.hub2-1024x768

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS