haatuf.net
Wali Axmed Xaawa Oo Ka Mid Noqday Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland
February 3, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, shop February 3, 2015 (Haatuf) – Maareeyihii hore ee hay’adda korontadda Hargeysa Wali Axmed Xaawo, ayaa ka mid noqday Golaha wakiilada Somaliland kadib markii Sabtidii Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali u dhaariyay Xilka Xildhibaanimo.

Xildhibaan Wali waxa uu buuxinayaa Jagaddii uu iska casilay Xildhibaan Khadar Ambasador, oo Xisbiga Ucid uga soo baxay Hargeysa. Waxa uu Wali Axmed Xaawa hadda ka tirsan yahay Xisbiga Waddani waana siyaasi firfircoon oo Xukumadda Siilaanyo Xil hore uga soo qabtay.

Gudoomiyaha maxakamadda sare ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in 31-kii bisha dhamaatay laga bilaabo Xildhibaan  Wali Axmed Xaawo ka mid yahay Golaha wakiilada Somaliland.Wali Xaawo

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS