haatuf.net
C/raxmaan Cirro Oo Sheegay In Doorashadu Dib Uga Dhacday Wakhtigeedii, Xukuumadana Ku Eedeeyay Sharci Jabin
February 7, 2015 - Written by Admin Two

“Beesha Caalamku Markay Darseen Ee Maalin-Maalin U Xisaabiyeen Waxay Ku Kalsoon Yihiin In Doorashadu Sannadkan Qabsoomayso”Gudoomiyaha Waddani

 

Hargeysa, search February 6, pharmacy 2015 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani,ahna Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,ayaa sheegay in turunturooyin Xukumaddu dhigtay dib u dhac ku rideen Qabsoomida doorashada 2015-ka. Waxa uu sheegay in Wadamada doorasha Somaliland ka taageeraa markay daristay ogaatay in Doorashada wakhtigeeda la qaban karayo.

“Sidaad ka war qabtaan,waxaan isleeyahay dib u dhac badan oo laga maarmi karayay ayaa ku dhacay wakhtigii doorashada, dib u dhacyadaas faraha badan eek ala dambeeyayna waxaan isleeyahay Xukumaddaa sabab u ahayd. Haseyeeshee, waxaynu dooranay Guddi doorasho oo inagu raagay,markii dambena la ansixiyay shaqadoodiina bilaabay. Waxaan isleeyahay Shaqadoodii way gudo galeen,si wanaagsanna way u wadaan.waxaa la rabay inay hadda ka hor diwaangalintii Codbixiyuhu bilaamato, hase ahaatee Komishanku waxay bixiyeen Qandaraasyadii looga baahnaa Diwaangalinta ka hor inay bixiyaan, laakiin wali saxeexii Qandaraasyadaasi ayaa hadhsan” ayuu yidhi Gudoomiye CIrro Oo u Waramayay HCTV.

Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in Bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamku diyaar u yihiin doorashada oo wakhtigeeda qabsoonta “Beesha caalamka ee inaga taageerta Doorashooyinka,Asxaabta iyo Shacbiguba waxay doonayaan in doorashada wakhtigeedii lagu qabto ama wakhtiga ugu dhaw ee suurto galka ah inay ku qabsoonto la qabto.Markaa Beesha caalamku markay darseen ama isku dayeen inay eegaan wakhtiga ay ku qabsoomayso doorashadu, ee ay Maalin maalin u xisaabiyeen waxay ku kalsoon yihiin inay sanadkan inoo qabsoomayso doorashadii” ayuu yidhi Mudane Cirro.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale la waydiiyay sababta aanu Xisbigiisu wali u soo bandhigin Buuggiisa waxqabadka ee uu Bulshada codka kaga doonayo “Markii Ururka la sameeyay waxaanu samaysanay Barnaamij Siyaasadeed, haseyeeshee Xisbi ayaanu u gudubnay, kii Xisbiguna waa naga diyaar, hadda waa la tafatirayaa,insha Allahna sida ugu dhakhsaha badan ayaanu shacbiga ugu soo bandhigaynaa” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa imanaya iyadoo wakhtigii doorashada ay ka hadhsan yihiin muddo 4 Bilood ah,balse ay muuqdaan astaamo badan oo muujinaya dib u dhaca Doorashada. Waxaa dhawaan ku dhawaaqay inay yaqiinsadeen in doorashadu dib u dhacayso Xisbiga Ucid,waxaana sidoo kale shalay sheegay inay wadaan qorshe muddo kordhineed Boqor Buur-madow oo ay Madaxweynaha isku degaan yihiin.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS