haatuf.net
“Waxa Fadeexad Ah Inuu Boqorku Ku Baano Oo Yidhaahdo Guurtidiina Waa Noo Diyaar, Ninka Ugu Daran Ee Beelnimada Wada Ee Muddokordhinta Wada Ee Leh Guurtidii Baan Halkan Ku Hayaa Waa…”
February 7, 2015 - Written by Admin Two

“Odayga Nasiibdarrada Ku Dhacday Waa Dadka Ku Xeeran Ayaan Diyaar U Ahayn Inay Doorasho Dhacdo, impotent Waxaanad Moodaa Inay Hoggaankii Waddanka Ku Fashilmeen Oo Ay Doonayaan Muddo Korodhsi”Wasiirkii Hore Ee Kaluumaysiga

 

 

London, February 6, 2015 (Haatuf) – Maxamed Yaasin Xasan oo aha Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekedaha Somaliland ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si ballaadhan uga Hadlay xaaladda Guud ee Dalka, jawaab cadna ka Bixiyey Hadallo shalay kasoo yeedhay Boqor Cismaan Buurmadow oo sheegayey In beeshiisu Madaxweyne Siilaanyo u samaynayso Muddo-kordhin.

Maxamed-yaasiin Maxamed Yaasiin Xasan oo u warramay TV-ga Royal, ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ay waajib qaran ku tahay inay qabtaan Doorashooyinka dalka ka qorshaysan, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay arrintaas wax cudurdaar ah u heli Karin haddii ay fashil ku dhamaato.

Siyaasigani waxa uu xusay in xukuumaddani aanay ka muuqanin qabashada doorashooyinka qorshaysan, masuulliyadana ay qaadi doonto,“Doorashada Masuuliyadeeda waxa iska leh dawladda imika jirta, haddii ay qabsoontana ammaanteeda iyadaa iska leh, hadii muddadii loo qabtay ay dhici weydana dembiga waxa iska leh xukuumadda, haddii cid aan iyada ahayn ay farta ku fiiqdana sida maana jirta oo kale waxad mooddaa inay ka meermeerayso” ayuu yidhi Maxamed Yaasiin.

Siyaasi Maxamed Yaasiin oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kooxaha ku xeerani aanay raalli ka ahay in dalka ay doorasho ka dhacdo, isagoo taasna ku tilmaaamay ayaandarro madaxweynaha haysata, waxana uu yidhi,

“Odayga nasiibdarrada ku dhacday waa dadka ku xeeran ayaan diyaar u ahayn inay doorasho dhacdo, waxaanad moodaa inay hoggaankii waddanka ku fashilmeen oo ay doonayaan muddo korodhsi”

Maxamed Yaasiin waxa uu si gaar ah uga Hadlay Hadal shalay kasoo yeedhay Boqor Buurmadow oo ahaa in madaxweynaha muddada loo kordhiyo, waxana uu eedda arrintaas dusha ka saaray Guddoomiyaha Guurtida oo uu sheegay inuu yahay nin qabyaaladaysan oo doonaya in beeshiisu waligeed xukunka sii haysata, waxana uu yidhi,

“Hadalkaas uu maanta sii daayey Boqor Buurmadow waxan aaminsanahay inaanu boqorku nasteex u ahayn inuu kursiga kusii raago, waayo haddii uu leeyahay isku beel baanu nahay cid kale ayaa ka hadli lahayd, Somaliland beelina kaligeed madaxweynaha waxba uma kordhin karto, sida uu imika ku wadana, haddii la leeyahay bahashii waa la qabsaday waa wax kale. Waxana aan Ogahay In Hadalkaas uu Boqorka usoo dhiibay Guddoomiyaha Guurtida ee Saleebaan, ninka arrintaas wadaana waa Saleebaan oo waa la Hubaa, waxaana fadeexad ah inuu Boqorku ku baano oo yidhaahdo Guurtidiina waa noo diyaar, ninka ugu daran ee Beelnimada wada ee muddokordhinta wada eel eh Guurtidii baan halkan ku hayaa waa Guddoomiye Saleebaan Gaal”

Maxamed Yaasiin waxa uu Su’aal geliyey sababta keentay inuu madaxweynuhu ka qabo Bulshadiisa oo uu doorasho aan muddodhaafin isu soo taago, waxana taas sababteeda ku sheegay in bulshadii darafyada ay xukuumadda madaxweyne Lumisay,

“Axmed Siilaanyo haddii uu leeyahay waxbaan qabtay waa inaanu shacabka ka baqan, sababta shacabka looga baqayaana waa beelihii darafyada ee Sool iyo iyo Awdal ayaan gacanta lagu haynin,” ayuu yidhi Maxamed Yaasiin.

maxamed-yaasiin

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS