haatuf.net
“Xukuumadda Waxaanu Leenahay Maalinta Xilku Ka Dhamaado Ma Aqoonsanin, Qofku Haduu Xilka Ku Fashilmo Abaal Gud Lama Siiyo”Jamaal Cali Xuseen
February 7, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra February 7, ed 2015 (Haatuf) – Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa  sheegay in  haddii madaxwayne Siilaanyo uu doorasho  qaban waayo marka ay dhamaato muddo xileedkiisu in ay samayn doonaan dawlad wadaaga.

Sidoo kale waxa uu uga digay xukuumada inay wax faro gelin ah ku samayso arimaha doorashooyinka ee ay ku hawlanyihiin gudida doorashooyinka qaranku

Musharax Jamaal Cali Xuseen Waxa uu sidan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Waaheen, doctor waxaana isaga oo arimana ka hadlaayay uu yidhi  “Waxaanu xukuumadda uga digaynaa inay faro galiso arimaha doorashooyinka ee komishanku wado, hadaladan doc ka yeedhka ah ee ka imnaaya wasiirada xukuumadda iyo dadkan bulshada ka midka ah ee

doonaya inay majaro habaabiyaan dorashooyinkan qaranku leeyahay, madaxweynuhu waakii yidhi maalin laygu dari maayo tii ayanu ayid sanahay maalina ugu dari mayno, madaxweynuu ha ogaado inuu yahay shalay ninkii ugu buuqa badnaa ee ugu mudaharaadka badnaa ee yidhi dalka xukuumad,baarlamaan iyo maxkamadtoona kama jirto, anagu sidiisii ma odhanayno waxba ma jiraan laakiin inuu maalinta xilku ka dhamaado aanan u aqoon sanayn madaxweyne.

Musharax Jamaal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Halkii uu Daahir Riyaale uu dhigay ayuunbaanu dhigaynaa midna ka dhimi mayno midna ugu dari mayano, heshiiskii labada xisbi qaran iyo madasha wada tashiga ee ahaa in dawlad wadaag ah la samaynaayo hadii maalinteed ay dhaafayso ayuunbaanu taaganahay, ma carqaladaynayno Komishanka waanuna ku amaanaynaa inay gutaan shaqadooda, laakiin xukuumadda waxaanu leenahay maalinta xilku ka dhamaado ma aqoonsanin, qofku haduu xilka ku fashilmo abaal gud lama siiyo, kordhintuna waa abaal gud uma qalmaan abaal gud dalkuna meel khatar ah ayuu marayaa, hadii kuwan loo kordhiyo inuu dalku burburo ayaanu ka baqaynaa oo ma ogolin in maalin loo kordhiyo, beesha caalamka iyo shabigii Somalilandba anaga ayay maanta nala socdaan”.Source:Waaheen.

 

 

 

 

Jamal Ali Xusen

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS