haatuf.net
Waxa La Ii Sheegey In Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo Ay Ku Taallo Warqad Ay Ku Qoran Yihiin Magacyo Loo Kala Sameeyey Beelaha Somaliland, Sida: Qalinkii Cali Xaraaro
February 7, 2015 - Written by Admin Two

Haddii aad Madaxweyne Iga dhigtaan, anesthetist aniga Xaaskayga arki maysaan, cough dekedda iyo haamaha Shidaalka midkoodna ku dhegi mayo, lacagtoodana hungurayn mayo ee miisaaniyadda qaranka ayay galaysaa.

Haddaad Madaxweyne iga dhigataan wasiirro tayo leh oo kooban ayaan magacaabayaa, Maxakamadaha iyo hay’adaha kale ee garsoorka ayaan iyagana dhisayaa oo aan caddaaladda ku sallaynayaa.

Haddaad Madaxweyne iga dhigataan, saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka ayaan hore u sii wadayaa, aqoonsigana waan u hawl galayaa.

Intaas iyo in kasii badan oo ballan qaadyo ahba, waxa yidhi Axmed siilaanyo markii uu lahaa maruun madax weyne iga dhiga, waase nasiib darro ku habsatey kuwii doortay iyo kuwii kaleba maalintii uu Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegey kor ayey somaliland u socotey rejeduna aad ayey u fiicnayd in la aqoonsadana qarka ayey u saarneyd maantana waa ogtihiin inaynu la mid nahay maamul goboleed yada ka jira somaliya waxa markhaati ka tihiin xiligii uu talada dalka hayey mudane daahir rayaale inaan la maqli jirin qabiil iyo beel hadlaysa toona dadkuna waxay kala ahaayeen UDUB UCID Iyo KULMIYE, Maantana beel iyo qabiil mooyaane waxa kale lama hadal hayo.

Waxa la ii sheegey in xafiiska Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay ku taallo warqad weyn oo lagu qoray magacyo cusub oo loo kala sameeyey beelaha degga Somaliland, Sida Samaroonis-taan, Isaaqis-taan, Hartis-taan IWM.

Waxaynu ka maqalnaa Axmed Siilaanyo iyo casaabbadiisa iyagoo leh ‘wax baanu qabanay’. Marka ay sidaas leeyihiin waxa ay indhaha ka lalinayaan in seddexdii Madaxweyne ee Axmed Siilaanyo ka horreeyey uu mid waliba wax ku suntan yahay oo uu qabtay intii uu hoggaanka hayay.

Alla ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali  wuxuu ku suntan yahay xorayntii dalka. Alla ha u naxariistee marxuum Cigal wuxuu ku suntan yahay hub ka dhigistii iyo maamul samayntii dalka. Mudane Daahir Rayaale wuxuu suntan yahay nidaamka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, hase yeeshee Axmed Siilaanyo wuxuu ku suntan yahay aqal rinji la mariyo.

Waxaan ku soo koobayaa qoraalkan ‘xumaan kasta oo dad iyo dalba lagu sameeyo wuu innagu sameeyey, haddii la sii eegto oo la eryi waayo marka xiligiisu dhammaado wixii dhaca innagaa isu geysanney ee hadhaw bey dhuran taayoo ma dhex joogin tidhaahdaa!!!.cali-xaraaro

Qalinka: Mujaahid Cali Cismaan Cabdi Libaax [Xaraaro]

Hargeysa, Somaliland

https://www.facebook.com/calicismaan.libaax?fref=nf

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS