haatuf.net
Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Dhaliilay Hadal-Haynta Muddo-Kordhinta Iyo Mutax-Naanta Qabyaalada
February 14, 2015 - Written by Admin Two

“Madaxweyne Iscasil Markay Kaa Dhamaato, viagra Cid Dalka Xukunta Garan Maayo, price Xisbi Xaakimkii Ma Shaqaynayo, impotent Iyagiibaa Wada Musharaxa”Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda

 

Hargeysa, February 14, 2015 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo haatan ka mida Siyaasiyiinta Madasha-wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa dhaliilo dhinacyo badan khuseeya u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuna tilmaamay mid la kawsatay Qabyaalad iyo kala-qaybin Qaran.

Eng. Maxamed Xaashi oo Waraysi siiyey Telefishanka Horn cable todobaadkan dhamaaday, ayaa geesta kale farta ku fiiqay in tirada Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Siilaanyo xadkii ka baxday, magacaabistoodana lagu raali-geliyo Beelaha, isagoo dhanka kalena Eng. Maxamed Xaashi daboolka ka qaaday in Maamulkii xukuumaddii Rayaale dhaamay Xukuumadda Siilaanyo, taasoo uu nasiib-daro inteeda le’eeg ku tilmaamay.

“Horta Waxa nasiib daro ah, Maamulkii Rayaale ee Maamulkan ka horeeyay xagga lacagta maahee, Xagga Xuduudaha dalka iyo ka hadalkiisa aad buu ugaga fiicnaa, Qabyaaladna ma lahayn Maamulkii Rayaale” ayuu yidhi Maxamed Xaashi HCTV u waramay.

Maxamed Xaashi oo Arrinta Qaybaaladda ka sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxaad moodaa in Qabiilku la dhashay Shirkii lagu qabtay Gar-adag ee lagu yidhi haddaanu reer hebel nahay Madaxweynahan maanta ha naloo doorto ayay ka bilaamatay bahashu(Qabyaaladdu)”

Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay in Qabyaaladdu gashay Kuraastii Qaranka “Wasiiradaa faraha badan waxaa loo sameeyaa in reero lagu raali galiyo,Reerna Raali galin u noqon maayo, Waayo? Wasiirku reerna Biyo iyo Dawo iyo Caafimaad u noqon maayo,tacliin u noqon maayo ee waa Nin reerkiisa Masruufanaya uun, markaa intaas Umaddii lagu jaah-wareeriyo maaha. Hadda waxay marayaan 47 Wasiir, maxay qabtaan, xafiisyadana ka heli maysid”.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi, waxa uu sidoo kale caalamatu-su’aal geliyey cidda dalka xukunta ee ay amarka ka qaataan Goleyaasha Xukuumaddu, waxaanu carrabka ku dhuftay in bur-burka xisbiga Kulmiye sabab u noqday jiha-wareerka ka taagan hogaamin la’aanta dalka.

“Horta kolka hore waxaad iswaydiinaysaa tolow yaa ina xukuma? Tolow yaa ina xukuma? Waa Su’aasha had iyo jeer dadku iswaydiiyo.Xisbigii Kulmiye Xisbi dhisan maaha, isagay ahayd inuu dalka hogaamiyo oo yidhaa arrinkaasi sharci maaha, kaasi inooma fiicna, maxaanu ku dooran Samaale iyo Ina Biixi iyo qoladan kun kunka casuumaysa, ma waanu gacan furanahay oo dadkaanu raashin siinaa baa lagu dooran, wixii Qaloocan ee Xukumadda ay ka toosan lahaayeen ma qabanayaan qolada Kulmiye oo Xisbi Xaakimkii ma shaqaynayo”

Eng Maxamed Xaashi waxa uu Xukumadda ku eedeeyay inay isbarbar yaacayso “Bal waxay odhanayaan doorasho ayaanu doonaynaa,Madaxweynihiina doorasho ayuu doonayaa, Qolo waxay leedahay Muddo kordhis baanu doonaynaa, markaa waxaad moodaa inay iyagii isgarab yaacayaan oo  Madaxweynuhu hadduu hawshiisa ka adag yahay waxan baan socdeen oo anigaa Maanta doorashadii isku taagaya markuu yidhaa inay Aamusaan ayay ahayd. Iyagii baa bixinaya Calaamad ah Madaxweynihii waxba ma karayo, Markay tartamayaan waxay leeyihiin Madaxweynihii baan karayn oo anagaa doorashadii doonayna. Markuu Buurmadow leeyahay hadaanu reer hebel  nahay ilayn Madaxweynaha reer hebel qudhi ma doorane dad ka badan baa doortaye, wuxuu deedafaynayaa waxqabadkii iyo jiritaankii Madaxweynaha, markaa waxaad Is weydiinaysaa cida ina xukuntaa waa ayo?”

Eng Maxamed Xaashi Waxa uu Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inuu ka tanaasulo doorashada dambe “Anigu madaxweynaha waxaan odhan lahaa inuu iska casilo oo iska nasto marka uu doorkiisan dhamaysto ayay ku fiicnaan lahayd, waayo? Xaaladda sidan ah ayaan haddana muddo kale u ololaynayaa, tanaaba laga soo bixi layahaye maxaad mid kale ka qaban”.

Hadalkan ka soo yeedhay, Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ku soo beegmaya todobaad kaddib markii ay dibada u soo baxday sheeko markii hore xan ku soo gaadhay Bulshada oo ku saabsan qorshe muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa bilaha soo socda, taasoo uu jiritaankeeda ka sanqadhiyey Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur-madow oo ka mida Madaxdhaqameedka Bariga Burco ee qab-qableyaasha Siyaasadda ku jira.

Dhinaca kale marka laysku sid-sidko hadalada ka soo yeedhaya Maxamed Xaashi, Boqor Buur-madow,  hogaamiyeyaasha Mucaaridka qaarkood iyo bulshada rayidka ah lafteeda inta wax falanqaysa, waxa muuqata inay furantay dood ku saabsan Muddo kordhin maya iyo haa, midkay doonto ha isugu biyo-shubato bilaha inagu soo foolka lehe.eng-maxamed xaashi

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS