haatuf.net
“Jeclaan Lahaayee Qof Taladan Oo Kale I Siiya Intii Aanan Siyaasiga Noqon”Turjumaddii Kamaal A.Cali
February 14, 2015 - Written by Admin Two

Isla marka aad madaxa geliso (Siyaasadda) waxa aad garanaysaa in labada jid ee keliya ee kuu furani ay yihiin dagaallan ama duul (Baxso). Waxa aan siyaasadda galay aniga oo u malaynaya, ailment in haddii aan la imaaddo dood iyo xujo niyadwanaag iyo daacadnimo iga ah, aan heli doono cid i dhegeysata. Waa male macquul ah oo qof kastaa is odhan karo, laakiin waa qalad. Shan sano iyo badh aan siyaasadda ku jiray, hortood ima’ ay soo marin (In aan la kulmo) cid sidan oo kale aan mar keliya uga daalayn dhalleecaynta fikirkayga. (Marka aan u fiirsado dadka i dhalleecaynayana) Waxa ay dhibtu ka taagan tahay farriint aan gudbinayo ma’ay ahayn, laakiin mar kasta (Ceebtu) waxa ay ahayd uun cidda gudbinaysa farriintaydaas.

Inta ay dhalleecaynayaan hadalka aad odhanayso, waxaa ka badan inta ay dhalleecaynayaan xaqa aad uba leedahay in aad wax tidhaahdo. Aniga waxa ugu badan ee ay igu dhalleecaynayeen waxa uu ahaa in aan muddo dheer dalka dibaddiisa ku noolaa, oo aanan iyaga ka mid ahayn, ee keliya aan ahay ruux booqasho ku jooga dalka.

Weerarrada ugu daran ee ay tahay in aad waajahdaa ma’aha kuwa beenta cad ah ee lagaa sheegayo, balse waxaa ka sii daran kuwo in yar oo run ahi ku dhex jirto (Ee la buun buuninayo). In aan dalka ka maqnaa wax laga khajilo ma’aha, laakiin waxa ay igu keentay dhibta ah in aan dhisi kari waayo kalsoonida ay tahay in uu siyaasi kastaa ku abuurto cod-bixiyeyaasha. In kalsoonidaa aad dhisataana waxa ay u baahan tahay run. Iskama dhigi kartid wax aanad ahayn. Dadka ku dooda in ay siyaasaddu jilid tahay, waa ay qaldan yihiin, waayo sida jilaaga adigu shakhsiyad kale ma metelaysid, waa run in aad masrax taagan tahay, laakiin adiga ayuun baa is jilaya.

Sida saxda ahi ma’aha in dadku ay noloshaada wax ka ogaadaan si ay kuugu codeeyaan, bale waa in ay aaminaan in aad adigu tahay qofka aad sheeganayso in aad tahay.

Bal hadda imika  waxa aad ii soo qorta liiska munaafaqiinta, laba wejiilayaasha, iyo dadka liita ee talada iyo awoodda qabsaday iyaga oo ah dad kalsooni iyo in la aamino aan mudnayn. (Aad bay u badan yihiin). Haddii aad qalad iga fahamtay. Tusaale aan u soo qaato Nixon (Madaxweynihii 37aad ee Maraykanka), oo ahaa ruux kalsooni buuxda lagu qabo, iyada oo ay haddana codbixiyeyaashu si fiican u garanayeen qofka uu run ahaantii yahay Nixon; Waxa uu ahaa nin shaki badan leh, dadka sida looga faa’idaysto yaqaanna, munaafaqad badan, aan ku soo koobo, waxa uu ahaa nin iyaga (Codbixiyeyaasha) la mid ah uun. Markii ay isaga eegeen ayaa ay sida muraayadda isaga dhex arkeen. (Markaasay jeclaadeen).

Haddii aad doonayso in aad noqoto ruux xaqiiqada ku socda oo u qalma kalsoonida dadka, waa in aad naftaada adigu yeelataa (Hanataa), ugu yaraan inteeda badan aad taladeeda gacanta ku haysaa. John Kerry (Markii uu murashaxa madaweyne ahaa ee uu la tartamayey George Bush oo ka badiyey) waxa uu dhibbane u noqday weerarkii siyaasiga ahaa ee la xidhiidhay taariikhdiisii dagaalka Vietnam, sababta uu u jabay waxa ay ahayd isaga oo hanan kari waayey (Weerarka) laba xiddiglihii (Sarkaal ciidan) da’da yaraa ee ka soo noqday dagaalkii Vietnam, ee maragga foosha xun golaha Kongareeska hortiisa ka furay, isaga oo ka sheekaynaya waxyaabihii dhibta badnaa ee uu ku soo arkay xeradii lagu xabbisay maxaabiistii dagaalka ee Mekong Delta. (Kerry waxaa lagu haystay hadallo uu ka sheegay dagaalkii Vietnam oo u muuqday in uu dhalleecaynayo gelitaankii dagaalkaas iyo sidii uu dalkiisu u maamulayba). Kerry waa uu awoodi waayey, in uu yidhaahdo, “Haa, waxa aan ahaa sarkaalkaas da’dad yaraa” ee la sheegayo, haddii aydaan doonayn in aad u codaysaan, nin dowladdiisa dhalleeceeyey, markaa fasax baad iga tihiin.

Waxa aan ogahay in dadku ay wax kasta ka cafiyi karaan murashaxiinta, laakiin waa haddii ay iyaguna u dagaallamaan xaqa ay u leeyihiin in ay jiraan. (Oo ay dadka ka samaystaan cafiskaas).

Dagaalka runta ah ee siyaasaddu, waa dagaalkan aad ku muujinayso, xaqa aad u leedahay in laguu dhegeysto sida aad tahay (Oo aanad iska dhigin qof kale). Markii kooxdii Swift-boat la baxday ay dagaalka siyaasiga ah ku qaadeen John Kerry waxa uu ku guul darraystay in uu ka jawaabo. Waa uu hadli karayey, laakiin waxa aan jirin cid diyaar u ahayd dhegeysigiisa, isna waa uu u sii adkaysan kari waayey.

Markii aniga kuwa iga soo horjeedaa ay lahaayeen ninkani dalka waa ku qariib (Muddo dheer ayuu dibadaha ku noolaa) aniguna markaasaan adkaysi la iman kari waayey (Sida John Kery ayaan u jabay). Waa aan hadli karayey, laakiin la’ ima maqli karayn”

Intaas kadib Michael Grant Ignatieff waxa uu hoos ugu soo dhaadhacayaa talada ay la tahay in uu qaato ninkan dhalinyarada ah ee waayo-aragnimada siyaasadda soo biday, waxa aanu qoraalkiisan uu ugu magac daray “Jeclaan lahaayee qof taladan oo  kale i siiya intii aanan siyaasiga noqon” ku  yidhi, “Haddaba taladaydu waa: Weligaa ka taxaddar in mucaaradkaagu ay sheekadaada iyagu ka sheekeeyaan. Haddii aanad intaas si run ah u awoodi karayn. ka joog siyaasadda oo shaqo kale iska raadso. Haddii aanad difaaci karayn noloshaada shakhsiga ah, marka ay dadku soo weeraraan, waxaa jira nololo kale oo badan oo aad ka dooran karto mid aan u baahnayn is-qaawintaas mutuxan (Ee raadso).

Laakiin waxba tari mayso in aad iska yeel-yeesho (Iska dhigto) sidii oo aad ka fiican tahay shaqada aad ku jirto. Suurtogal ma’aha in aad siyaasadda guul ka gaadho, haddii aad  mar kasta u muuqato in aad xaqirayso xeerarka iyo hab-dhaqanka caamada. La Soco…

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS