haatuf.net
Wasiirka Duulista Xukuumadda Siilaanyo Oo $1, 370, 000 Ka Bixiyey Laba Guri Oo Uu Hargeysa Iyo Birmingham Ka Kala Iibsaday + Daawo Sawiradda
February 16, 2015 - Written by Admin Two

Maxamuud Xaashi Ayaa Guriga Uu Ingiriiska Ka Iibsaday Ka Bixiyey $1, patient 200,000, Halka Ka Caasimada S/land Ku Yaalana uu Ku Iibsaday $170,000

 

Hargeysa, February 16, 2015 (Haatuf) – Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa laba guri ka kala iibsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Birmingham, kuwaas oo uu ka bixiyey marka wadar ahaan aduun lacageed oo dhan $1, 370, 000 (1 malyan iyo saddex boqol iyo todobaatan kun oo doolar).

Sida ay dad xogogaal ahi Haatuf u sheegeen Maxamuud Xaashi ayaa guriga ku yaala xaafadda King Sheath ee magaaladda Birmingham ee dalka Britain oo dabaq ah ku iibsaday lacag dhan $1,200, 000 (Malyan iyo Laba boqol oo kun oo doolar), kaas oo ku yaala goob ay dadka tujaarta ahi degaan isla markaana aanay Soomaalidu badanaa hunguraynin.

Sidoo kale Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu dhawaan uun guri kale ka iibsaday xaafadda Shacabka ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ka horjeeda guriga gaarka ah ee Madaxwayne Siilaanyo ka deganaa Caasimadda Somaliland. Isagoo sida xogaha Haatuf helay tibaaxeen uu qoyskii deganaa gurigaasi kaga iibsaday lacag dhan  $170,000 (boqol iyo todobaatan kun oo daalar).

Ficilada dhiirran ee ay mudadii xukuumadda Kulmiye talada haysay ay ku dhaqmayeen wasiiradda ay isku beesha yihiin Madaxwayne Siilaanyo ayaa u muuqda kuwa Madaxwaynaha laftiisu u ogolyahay inay hantida ummadda ee ay masuulka ka yihiin siday doonaan ugu tagri-falaan, maadaama oo aanay jirin hanti la tirakoobay inay gaar u leeyihiin xukuumadan ka hor.

Dhinaca kale wasiirka duulista iyo hawada Mr Xaashi ayaa isagu ka mid ah wasiiradda ugu awooda badan isla markaana dakhliyada badan ay u soo xaroodaan wasaaradahooda, isla markaanay aan dakhliyadaasi u xaraynin wasaaradda maaliyadda, isagoo lacag gaadhaysa $15, 000, 000 (shant iyo tobon malyan oo dooolar) oo ay madaaradda Hargeysa iyo Berbera ugu deeqday dawladda Kuwait, taas oo su’aali ka taagan tahay halka ay martay xili cashuuro badan oo aan qasnada maaliyada ku dhicin uu gacanta ku dhigo wasiirka duulista oo isticmaalaya awoodo aanu sharcigu u ogolayn.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS