haatuf.net
Xisbiga UCID Oo Kooxaha Kubadda Cagta Ee Degmooyinka 26-Ka June Iyo Gacan Libaax Ugu Deeqay 22 Dirays +Daawo Sawiradda
February 17, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, medstore February 17, 2015 (Haatuf) – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa 22 dirays u qaybiyey kooxaha kubada cagta ee degmooyinka 26-ka June iyo Gacan Libaax oo ay ka dhisan yihiin kooxo badan oo ka mid ah kuwa ugu firfircoon dhalinyarada caasimadda ee kubadda ciyaarta.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gacan Libaax  Maxamed Xassan Aadan iyo 26-ka Juun Mustafe Cali Muxumed   iyo guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga UCID Ibraahim Jaamac Saleebaan ayaa iyagu gudoonsiiyey deeqdaas Sports-ka ah oo ay usoo wajiisheen Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa C/rashiid Xasan Mataan.

Munaasibad balaadhan oo loogu qabtay xarumaha xisbiga UCID ee labadaasi degmo ayaa lagula kala wareegay 22-ka dirays oo lagu wareejiyey maamulada kooxaha kubadda cagta ee xaafadaasi oo iyagu aad usoo dhaweeyey deeqdaas Sports-ka ah oo ay xuseen inay dhiirigalinayso dhalinyarada ciyaaraha xiisaysa oo ay doorkeedii xukuumadda taladda haysaa gabtay.

Waxaana madaxda degmooyinka 26-ka June iyo Gacan Libaax ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID goobtaasi ka sheegeen inay xisbigooda ka go’an tahay inuu wax la qabtay dhalinyarada, iyagoo tilmaamay inay siyaasada xisbiga UCID mihiimada 1-aad siinayso wax u qabashada dhalinyarada reer Somaliland ee baddaha ku dhamaaday, iyagoo ku dooday inay shaqooyin u abuuri doonaan hadii ay talada dalka ku guulaystaan.

Dhinaca kale masuuliyiintii u hadlay dhalinnyarada ciyaartoyga ah ee labadda degmo ayaa iyagu xisbiga UCID uga mahad naqay deeqdaasi Sportska ah oo ay sheegeen inay wax badan ka tari doonto baahiyaha xaga Sports-ka ee haysta kooxaha kubada cagta ee ka jira labadaas xaafadood, kuwaas oo balan-qaaday innay la shaqayn doonaan xisbiga UCID oo ay tibaaxeen inuu ka yahay ka kaliya ee dhalinyaro hogaaminaysoDisplaying CYMERA_20150216_002958.jpgDisplaying CYMERA_20150216_002713.jpgDisplaying CYMERA_20150216_002315.jpgDisplaying CYMERA_20150215_235533.jpgDisplaying CYMERA_20150215_235421.jpg

 

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS