haatuf.net
Breaking News: Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Awdal Mr Ramaax Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil
February 18, 2015 - Written by Admin Two

Ceerigaabo, anesthetist February 18, prostate 2015 (Haatuf) – War hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in badhasaabka gobolka Awdal mudane Maxmuud Cali Saleebaaan  Ramaax oo haatan ku sugan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanag, uu ka badbaaday iskuday dil oo qorshaysan kaasi oo la doonayay in lagu khaarajiyo

Gudoomiye Ramaax oo khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa tibaaxay in haatan uu qorshe ladoonayay in lagu waxyeeleeyo uu ka badbaaday waxaanu yidhi “Run ahaantii maanta waxan ku sugnaa degmada Ceerigaabo ee magaalo madaxda gobolka Sanaag halkaasi oo aan kaga qaybgaly munaaasibadii xilga gudoomiyenimo ee gobolkaasi aan ugu wareejinayay masuulka cusub  Axmed Cabdi Fly. hadaba markii ay noo dhamaatay xafladii xilwareejintu ayaa waxa  aanu ka soo baxnay aniga iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag , magaalada Ceerigaabo waxaanan u jihaysnayn dhinaca deegaanka  lagu magacaabo Ceeryaan ee ka tirsan degmada Ceerigaabo halkaasi oo sidii qorshahayagu ahaa aanu laba beelood oo hore dhiig u kala galay aanu magtii  oo loo balansanaa ugu kala qaadno , sidii hadaba aanu jidkaasi u soconay ayaa baabuur  noocii u ahaa  dhinaca naloogu dhufan gaadhay baabuurkayagii kadib na jidka ayaan uga baxnay , waxaana markiiba nasoo gaadhay taliyihii qaybta ee gobolkaasi sanaag gaashaanle Cabdirasaaq, Yuusuf Maxamuud Afeer oo ay wehelinayaan ciidanka amaanku. Kadib, waxa ay rasaas ooda kaga dhigeen baabuurtii bilayska , iyada oo ciidankuna xabado ay ku rideen , waxyerkadibna nimankii way baxsadeen balse ciidanka ayaa ka hadhi waayay waxana ay ugu danbayntii gacanta ku soo dhigeen 4 nin oo hubaysan”. Ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax xusay in ragaasi ay haatan ku xidhanyihiin saldhiga magaaladda Ceerigaabo.

Mar aanu waydiinay in ragani ay  yihiin  beeshii waxlaga dilay, ee ay ku socdeen  oo cadaalad daro tirsanaysa  iyo sababta ay u doonayeen in ay u khaarajiyaan  badhasaab Ramaax waxa uu ku jawaabay .” Runtii  may ahayn  iyaga beesha wax laga  dilay waxa ay yihiin  Habar Yoonis dhexdeeda ragani na waxa weeyi Habar Jeclo Oo Biciido Ah”.

Waxa kale oo aanu way diinay gudoomiye ramaax bal in ay jiraan cid kale oo uu  dareensanyahay in ay falkan ku fulin karaan iyo cida ay yihiin waxa uu mar kale ku jawaabay sidan . “Runtii waxaan ka shiki qabaa in arintani oo ahayd fal si wanaagsan loo qorsheeyay waxan u malaynayaa in ay lug ku leeyihiin rag masuliyiin ah oo hore xilal uga soo qabtay Gobolkan Sanaag balse hada ma rabo in aan ka hor dhaco baadhista, balse marka ay ii cadaato ayaan uga warami doonaa saxaafada cida ay yihiin iyo sababta keentay falkan.” ayuu ku soo gaba gabeeyay jawaabtii

Sikastaba ha ahaatee maxamuud cali Saleebaan Ramaax ayaa todobaadkii hore uun xilka  gudoomiye nimo ee gobolka Awdal kala wareegay badhasaabkii hore ee gobolka Cabdoo Aayer. Dhacdadanna waa tii ugu horaysay ee uu la kulmo. Source: Hadhwanaagnews.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS