haatuf.net
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Eedo Is-Barkan Huwiyey Xukuumadda Iyo Baarlamaanka S/Land Oo Uu Sheegay Inay Ku Heshiiyeen Inaanay Doorasho Dhicin
February 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, stuff February 22, 2015 (Haatuf) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa eedo horleh ku duray xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo iyo xildhibaanadda Baarlamaanka.

Waxaanu Faysal Cali Xuseen sidaasi ku sheegay mar uu la hadlayey jaaliyada Somaliland ee dalka Jarmalka, kaas oo sheegay inay is gaashaan buuraysteen xukuumada iyo baarlamaanku, isla markaana meesha ka saaray wax doorasho ah oo dalka ka dhacda.

Ugu horayn gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arimaha baarlamaanka ayaa waxa uu yidhi “Haddanu nahay asxaabta waxaanu soo saaraynaa baarlamaan, baarlamaankuna waa inay dawlada ilaaliyaan laakiin marka ay dawladii iyo baarlamaankii is raacaan oo ay ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan, wakiilkii la soo doortay ee shanta sano fadhiyi lahaana uu in ka badan fadhiyo oo sharci kasta oo dawladu keento u saxeexo markaa cidna wakiil

kama aha ee dawlada ayuu wakiil ka yahay waana waxa maanta dalkeena ka taagan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Baarlamaanka shan sano ayaa la doortay in ka badana way fadhiyaan wax ay dadkii soo doortay u qabteena ma jiro wax ay xisbiyadii ay ka soo baxeena barnaamijyadoodii ka fuliyeena ma jirto, dawladii iyo baarlamaankiina way heshiiyeen dhabarka ii xoq aan dhabarka kuu xoqee, ii kordhi aan kuu kordhiyee, maantana waa taas la arkayo in doorashadii dib u dhacayso, laakiin waxa leeyahay walee laydinma siiyo hadiyad mudo kordhin doorashadii aad sagsaagteen, baarlamaanku waa inuu tagaa, dawladana waa in mid loo dhan yahay la dhisaa, maantana nin baarlamaanka ku jira oo haddii uu deegaaankiisii tago la soo dooranayaa ma jiro.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday inaanay sanadkan doorasho dalka ka dhacayn, taasna waxa uu dusha u saaray baarlamaanka iyo xukuumada waxaanu yidhi “Doorashadaas waxa loo adeegsaday khidad ilaa hada lama keenin qalabkii lagu samayn lahaa doorashooyinka ilaa sadex biloodna way qaadanaysaa , marka ay yimadaan ee la bilaabo diwaan gelintu waxay soconaysaa afar bilood, sharciguna waxa uu qorayaa doorashadu ha dhacdo lix bilood ka dib marka ay dhamaato diwaan gelintu, qaar baa lahaa dawladu waa inay ku dedaashaa inay doorashadu wakhtigeeda dhacdo ma caruur ayey u sheekaynayaan waxaanu arkaynaa inaanay doorashadu wakhtigeedii dhacayn waana arin taagan,.” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay wada hadalada somaliland iyo somaliya waxaanu dawlada dhex dhexaadinaysa ee Turkiga ku eedeeyey inay dhinac raacday waxaanu mar kale yidhi “Waxa kale oo taagan wada hadalada somaliland iyo somaliya sadex sanadood iyo badh ayey socdeen markii horena si fiican ayaanu u bilawnay waxaana lagu heshiiyey in loo wada hadlo inaga oo kala ah sidii 60-kii laba qaran, laba dawladood oo ka tashanaya xidhiidhka u dhaxayn doona, sidii ay wada hadaladu u socdeen oo aanu ku heshiinay inay arintaas lix wadan dhex dhexaadiyaan ayuunbaa mar dhexe Turkigu dhexda kala booday cid kalana uma ogola, waxaanu muqdisho la fadhiyaa kuwii uu ina dhex dhexaadinayey meel uu wada hadalkaas u wadaana ma jirto duniduna way yaabsan tahay anaguna waanu yaabsanahay, markaasbaa ka darane kuweena ayaa ka horaynaya marka uu u yeedho dhawr jeerna dhexda ayey ka soo noqdeen intay kuwa kale u jareen bal maxay ku ordayaan.”

Ugu danbayntiina gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay hanaanka dawlada ee somaliland, isaga oo faah faahin ka bixiyey dhibaatooyinka dalka ka taagan waxaanu yidhi “Dadka waxaynu moodaynaa inaynu ka ilbaxsanahay ee inaga ayaa u badawsan, xafiisyada garan mayno, sida ay dawladuhu u shaqeeyaan garan mayno, xidhiidh lama lihin Afrikaanka iyo somalida inaga dhexdeenana ma lihin oo qabiilooyin ayeynu u kala fadhinaa, ictiraafkana hees laguma helo ee tacab ayaa lagu helaa, socdaalkii aan u bixiyey socdaalka midaynta markii aan somaliland ka imid waxaan kaga tagay niyad xumo, waxaanan isku hayey ma ku noqotaa iyo mayskaga tagtaa waayo marka aad aragtid umad dhan oo aan wax danguud ka hadlaya aanay jirin, markaad aragtid umad dhan oo mikirifoon sidata oo is wada caayeysa, markaad aragtid maalin kasta suldaan dhalanaya meesha uu suldaan dhashaana waa meel aan dawlad jirin marka dawladu adkaato suldaanku wuu diciifayaa waana laga tagayaa magtuna way yaraanaysaa, cadaalad ayaa imanaysa hay’addo cusub ayaa samaysmaya, inaga hay’adaheenii way daciifeen.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo khudbad dhinacyo badan leh u jeediyey jaaliyada somaliland ee Jarmalka.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalkaas oo dhamaystiran:-

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS