haatuf.net
Munaasibad Ay Isku Laab-Xaadhanayeen Labadii Garab Ee SONYO, Laguna Xusayey Maalintii Dhagax-tuurkii Dhalinyaradii UFO Oo Lagu Qabtay Hargeysa + Daawo Sawiradda
February 22, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, unhealthy February 22, therapy 2015 (Haatuf) – Dallada dhalinyarada Somaliland Ee SONYO ayaa habeenkii xalay xaflad balaadhan ku qabatay hoolka shirarka ee ku yaala xarunta daladu ku leedahay magaalada Hargeisa oo ujeedada dulucad xafladu ahayd mid xanbaarsan sidii bulshada Somaliland loogu sheegi lahaa in midnimadii dhalinyarada iyo jiritaankeedii la soo nooleeyey si wada jir ah na loo xusay maalinta xuska dhalinyaradii ku shahiiday dhagaxtuurkii UFO oo ku beegnaa 20 Febaury .

Munaasibadan ayaa ahayd Mid kulmisay madaxda xisbiyada Mucaaraddka iyo Mucaafidka somaliland Hogaanka Sare ee golaha wakiilada Xiildhibaano Wasiiro, Hoganka iyo ururada dhalinyarada SONYO Oo Miday san Abwaano iyo haldoorka bulshada.DSC00760

Waxaana goobtaasi ay hogaanka Ururuka dhalinyarada sonyo ku soo bandhigeen kalsooni iyo ustanaasul ay usameeyeen jiritaanka dalada dhaliyarada somaliland Ee sonyo iyagoona goobta ka sheegay in ay gacmaha isu qabsan doonaan sidii looga shaqayn lahaa musaqbaka iyo Midnimada dhalinyarada somaliland.

Ugu horay waxa xafladaasi ka hadlay agaasimaha Ururka dhalinyarada Sonyo Siciid Maxamed Axmed Waxaanu yidhi” Waxanu madaxda iyo bulshada halkan caawa iskugu timi ka codsanaynaa inaad nagu taageertaan duco hambalyo iyo bogaadin kaliya oo intiina siyaasada diyaarka u ahi aad naga daysaan caawa si aynu hoolka uga baxno inaga oo faraxsan oo midaysan sidaa maantaba ay SONYO umidaysantahay.“ ayuu yidhi agaasime Siciiid.DSC00799

Waxa isna goobta ka hadlay cabdi casiis xirsi warasame Agaasimaha Sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo hore u hogaaminayaey garab ka mid ah garabadii ay SONYO u kala jabtay isla mar ahaantaasina ah shaqsiga tanaasulka sameeyey “Waxa maanta sharaf noo ah inaanu u dabaal dagno maalinta dhalinyarada somaliland anagoo ugu talo galnay xus iyo xasuus lagu xasuusanayo dhalinyaradii UFO ee halganka dheer soo gashay ee xiligii diiday dulmigii badnaa ee dalka lagu hayey , sidii dadkii iga horeeyey ay sheegeen SONYO waxa weeye madal midnimo madal walaalnimo madal isjcayl madala waxyaabihii sonyo aanu u aasaasnay laga heli doono , inadan baa lasheegayey markii hawlaha sonyo socdeen xisbiyada xisbiyada waxanu ukala jecelnahay sida ay dhalinyarada ukala jecel yihiin waxaanu ukala taageeridoonaa sida ay dhalinyarada usoo kala dhawaystaan.”

Waxa isna goobtaasi khudbad ka jeediyey gudoomiyaha cusub ee dalada dhalinyarada SONYO Siyaad Cumar oo ka hadlay milgaha iyo qiimaha ay dhalinyarada iyo guud ahaanba dadka Somaliland uleedahay maalinta xuska dhalintii UFO ee dulmiga ka dhiidhidaywaxaanu umahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay midnimada iyo walaaltinimada ay sonyo caawa ku wada fadhido ” waxan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadkii muujiyey dadaalka lagu midayayey ee laysugu soo dhawaynayey dalada sonyo haday noqoto bulshada rayidka ah ganacsatada iyo xubnaha dawladaba aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa taariikhdana waxad kaga suntan tihiin baal dahab ah, waxanan ilaawi karayn Hubaashii maalinta ku beegan 20 Febaury Geesiyaashii diiday ee go,aansaday inay tuuraan heeryadii gumaysiga xuskaa qiimaha leh ee aanu ku xusayno waxan umalaynayaa waa markii koowaad ee uu xuskani gaadho Ugu yaraan 13 Magaalo oo ka mid ah magaaloyinka somaliland Laga bilaabo saylac ilaa badhan xalay gabilay bay ka qabsoontay cawa waxay ka socotaa boorama barbera burco laascaanood maanta ayey ka dhacday markaa dadaalkii ay halyeyeadaasi muujiyeen inaanu anaguna halkaa ka sii qaadno oo aanu gaadhsiino somaliland dagmo ilaa gobal ayaa naga go,an” ayuu yidhi gudoomiyaha Cusub ee dalada Dhalinyarada Sonyo.

Dhinaca kale waxa iyaguna ka hadlay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin gudoomiye-yaasha xisbiyada mucaaradka IyoMuxaafidka Asxabata siyaasada xildhibaano iyo xubno kale oo kale oo marti sharafta ka mid ahaa.

Dhinaca kale waxa iyana goobta ka hadlay Boobe yuusuf ducaale oo ka mid ah dadka ku abtirsada dalada dhalinyarada Sonyo isla mar ahaantaasina in badan la shaqayn jiray shalinta dalada Sonyo “ Halkan waxan taagnahay aniga oo ah dadka sxbka la ah sonyo waxan iskugu keen danbaysay habeeenkii aynu ku kala dhaqaaqnay 28 Actobar Markii aynu ku kala dhaqaaqnay Huteel Ampassador waxaana isugu keen xigtay Caawa oo aad isku timaadeen waxan halkan ka hanbalyeynayaaa cid alaala cidii ka hawl gashay isu soo dhawynta dalada sonyo inay hargasho kuwaasaynu uahadinaynaa ilaahayna haka abaal mariyo oo uu ugu horeeyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada sidii halkan laga ssheegayey anagu S tii hore ayanu ka mid nahay waxaanan ognahay dareemada dadkii barigaa dagaalamayey ee aad maalintoodan suntateen oo intii noolaydna ay maalmahan oo dhan ciil la seexan lahayd intii dhimatayna ay luxudka qaban wayday imaatinkaa aad isku itimadeen marna waxa uu guul uyahay sonyo marna ileen waydikan tahribayee qaarna taangi bay halkan ku soo galeeyeen oo kulaynayey wax alaale waxay ku dhimanayeena garanmayno “ ayuu yidhi Muj Boobe Yuusuf Ducaale.

Waxa iyana hadal gaaban oo amaan iyo bogaadin ubadan goobta ka jeedisay Marwo faadimo siciid oo iyana ka mad ahaa dadkii lafdhabrta u ahaa daladan sonyo iyo badi ururkada dhalinta somaliland.” Marka doorasho la eego doorashadii ugu danbaysay ee aan anigu ka soo qaybgalay waa taan gacantayda ku qabtay waxay ahayd tii wacays iyo axmed abakor waan xasuustaa inbadan baad kala xanaaqdeen waa tii qaar aan ampsador aan la galay Waan xasuutaa in qaaar xanaaqeen oo yidhaahdeen waan ka baxaynaa Maxaa yeelay waanu ku dulmanahay oo waanu ka baxay naa Waxan ku idhi ma waxad doonaysaan in dadku yidhaahdaan dhalinyaradii way arin san kari waayeen ma waxad doonaysaan in layidhaahdo sonyo way baaba,day hadii aan anigu dhex joogo walee inanay burburteen waxan ku qasbay inay doorashadii dhacdo waxaanan ku idhi walhi inaydaan baxayne waad fadhiisayanaysaan oo intii la odhan lahaa qoladaasaa cadhootay ha codaynina laakiin fadhiya dabadeedn waajibkiina mara waxaanan ka dagaalamaynay in halkaa lagu kala dareero oo la yidhaahdo waa lakala cadhooday”.

Gabo gabdii waxa munaasibada ka hadlay wasiika dhalinyarada iyo ciyaaraha cali siciid raygal oo si wayn uga hadlay qiimaha ay leedahay maalintan xuska dhalinyarada somaliland ee ufo hambalyona udiray midnomada dalada dhalinyarada SONAYO” waa maalin taariikh leh waa maalin ubaahan in mar walba la xuso oo la xasuuto somlalilnad waa maalin xasuus badan leh halkan madaxdii ka hadashay nin waliba waxa uu cadeeyey dhibaatadii ay muteen dhalinyaradaasi waa wax aad iyo aad looga murugoodo laakiin waxa inoo farxad ah oo inoo nasiib wanaag ah inaynu kuwaa iyo kuwii ka danbeyey ee dagaalamayeyeba inay inoo horseedaan inaynu helno nbada galyo iyo madaxbanaani iyo horumar dalkeenii iyo dadkeenii uu ku noolyahay taasaana faraxad inoo ah”.

Isku soo wada xooriyoo munaasibadan ayaa ku soo idlaatay Jawi dagan iyo Wada jir ka dhex abuurmay dhalinyaradi Dalada Sonyo Oo masuuliyiintii goobta fadhisay iyo marti sharafkii kaleba ay ugu duceeyeen wada jirkooda iyo midnimada ay gaadheen.

DSC00781DSC00800DSC01003DSC00846DSC00848DSC00851DSC00905DSC00948DSC00970DSC00975DSC00981DSC00986DSC01000IMG_2216

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS