haatuf.net
Macallin Gaarriye Iyo Xuska Afka Hooyo: “Afku Nolosha Waw Tiir, La’aantiisna Tuur Iyo, Tulux Lagama Waayeen..”
February 22, 2015 - Written by Admin Two

abwaan gaariyeKu sinnaan 1972-kii ayay maansadani ifka u soo baxday, and wakhtigaas oo loo dabbaal degayay qoritaankii farta Soomaaliga.

Abwaan gaariyeMaansadan waxa curiyay Alle ha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Isaga oo ujeeddadii uu u curiyay ka hadlayana waxa uu yidhi: “Waa maanso soo baxday markii ‘Far Soomaaliga’ la qoray. Waxaan ku maamuusayey dhacdadaas taariikhiga ahayd ee muddada badan laga dhur-sugayey.”

Waxay tidhi Tanaad:

Caalinow, Ta’ iyo Woow,

Bal tixraac halkaan maro!

Tukayaasha duulaa

Warka waysu tebiyaan;

Waa af-tahan qudhaanjadu.

Geeluna tawaawaca

Kolka biyaha loo tubo

Ways tibaax yaqaannaa.

Tigaaddaad arkaysaa

Kaftan ay taqaannay

Hoos-ka-tuur u leedahay.

 

Taaha adhigu waa hadal

 

Urtu waysku tooydaa;

 

Toggagiyo dabayluhu

 

Tookh bay la reemaan.

 

Tinkir buu aboorkuba

 

Toos ugu xidhiidhaa;

 

Daruuruhu tub gaadhay

 

Heesaha u tiriyaan;

 

Dhulku wuu tiraabaa;

 

Tuska roobka dayruhu

 

Onkod buu ku taamaa.

 

Waxay hoga-tusaysaa,

 

Afku nolosha waw tiir

 

La’aantiisna tuur iyo

 

Tulux lagama waayeen,

 

Tayo may lahaateen

 

Dhaqan lama tallaaleen

 

Qaran lama tusmaysteen,

 

Nin kastaa ha tookhee,

 

Far baa lagu tanaadaa.

 

Haddii qalinka loo tudho

 

Wax-qoraalka laga tago,

 

Lama taabbaggeli karo.

 

Waaq iyo Tinniix iyo

 

Bal Tin-caaro weyddii,

 

Soo tiri ayaamaha,

 

Taariikhda raacdee!

 

Afkaygow, tabaaliyo

 

Maxaad taws ku nooleyd!

 

Maxaad belo u taagneyd!

 

Shisheeyuhu tab iyo xeel

 

Muxuu kugu tuntuunsaday,

 

Tisqaadkaaga dhaawacay!

 

Maxaa gabay tilmaannaa

 

Maahmaaho toolmoon

 

Maalmuhu tireenoo

 

Qalbigaygu tebayaa!

 

Maxaa erey tafiir-go’ay!

 

Maxaan maanso teeri ah,

 

Tacab ba’ay ka joogaa!

 

Sida ay u taxan tahay

 

Murtidaadu tabanaa

 

Teelteella badanaa!

 

Maxaa sheeko taabud ah

 

Tawraadi faallayn

 

Weli nebina soo tebin,

 

Kaa tasoobay oo lumay!

 

Ubadkaagu toos iyo

 

Maxay talada seegeen!

 

Maxaa taar mid soo diray

 

Ka kaleeto tuuroo,

 

Laba tulud wadaagtaa

 

Turjubaan u baahdeen!

 

Qoraalkaagu tacab iyo

 

Muxuu dhigay turxaannoo

 

Tartan ba’an aloosoo

 

Colba doc iska taageen!

 

Allaylehe tabtaan rabay

 

Haddaa lagu tixgeliyoo,

 

Tacluustii wadeecada

 

Caawaba ka togatee,

 

‘Taw wiif’ ka siiyoo,

 

Taltallaabso maantoo,

 

Murtidaadu waa toge!

 

Taageer hiddaha oo,

 

Sayidkii ku toosoo,

 

Taabsii xogtaadoo,

 

Ku tirow Balaayacas!

 

Soo toosi Haabiil!

 

Raage taranta gaadhsii!

 

U tukubi higgaaddoo,

 

Soddon tirada dhaafsii!

 

Toban shaqal ku geeraar!

 

Shibbannaha ku taakuli!

 

Hadal lama tasoobee,

 

Guddigii ku tiirshee

 

Kugu taxay xuruufaha,

 

Mahad iyo tahniyad sii!

 

Taalladay mutaysteen,

 

Ka dul-taag Cirjiidhyada!.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS