haatuf.net
Sooraan Iyo Jawaan Oo Shaqadii Ay Ka Hayeen HCTV Laga Joojiyey Iyo Iyo Nuxurka Arrimaha Shaqada Looga Caydhiyey
March 1, 2015 - Written by Yuusuf Gaboobe

Hargeysa, bronchi March 1, asthma 2015 (Haatuf) – Maamulka guud ee Telefishanka caalamiga ah ee HCTV ayaa shaqadii ay ka hayeen Tv-gaasi ka joojiyey Jiliyaasha Sooraan iyo Jawaan, ask kaas oo ay sanadihii u danbeeyey ka hawlgalayeen isla markaana ahaa halkii ay ka bilaabeen mihnadooda jilaanimo.

Waxaanay warqad xil ka qaadista oo aanu helnay nuqul ka mid ahi u dhignayd iyadoo dhamaystiran sidan:-

“Horn Cable TV waxa uu idinka Mahad celinayaa Muddadii aynu wada shaqaynay, anagoo idiin hayna Tixgalin iyo Sharaf wanaagsan, waxa muuqatay in hawshii aad hayseen Tv-ga  ay hoos u dhac balaadhan ku yimid taasi oo ka timid in Shaqadii la idiin xilsaaray aad ka gaabiseen, muddo dheerna aanay sidii loo baahna u socon wayday.

Waxa xusid in mararka laduwan Mamulka sareee TV-gu idin kala Xajooday inaad shaqada wax ka badashaan, wakhti wanaagsan oo aad wax ku badeshana la idinsiiyay, nasiibdarose ay xagiina ka suurto gali  wayday, sidaad ka warqabtaana dhamaan tiraba saddex heshiis oo Xafiiska aad la gasheena aad kasoo bixiwaydeen, shaqaalihii iyo dadkii aad wadashaqaynayseena cabasho kala duwan ka keeneen wadashaqayntiina iyo hoos u dhaca ku yimid wax soo-saarkii shaqada, sidaasi awgeed waxa uu Horn Cable TV idinku wargalinayaa in wixii maanta ka danbeeya inaad u madaxbanaan tihiin hawlihiina, gaarka ah ee aad kaga mashquusheen isla markaana aydaan wax shaqo ah u haynin. Waxaananu  idiinka mahad naqaynaa muddadii aynu soo wada-shaqaynay”.

Dhinaca kale labadan majaajilayste oo iyagu ku caan-baxay barnaamijyada kala duwan ee lagu  baahn jiray telefishanka HCTV ayaa iyagu tan xiligii ay kasoo laabteen safarkii ay dhawaan ku tageen dalka Ingiriiska ku mashquulsanaa hawlo u gaar ah oo ay kaga mashquuleen shaqadii ay Tv-gaasi u hayaan, taasina ay sababtay in gabi-ahaanba laga joojiyo shaqadii ay ka hayeen Telefishankaasi.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS