haatuf.net
Sirdoonka Xukuumadda Siilaanyo Oo Ku Mashquulsan Video Hore Lag Duubay Aamina Waris
November 4, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, buy November 4, anabolics 2014 (Haatuf) – Sirdoonka xukuumadda Siilaanyo ayaa 48-kii saacadood ee u danbeeyey aad ugu mashquulsanaa raadinta wariyeyaashii YouTube-ka galiyey Video xiligii olola doorashadda laga duubay xaaska madaxwayne Siilaanyo Aamino Waris, taas oo ay bulshadda magaaladda Wajaale aad ugu amaanaysay Aydii ay u xidheen calanka xisbigii UDUB ee loolanka xoogani ka dhexeeyey wakhtigaasi.

Ciidanka sirdoonka qaranka ayaa sida ay ilo-wareedo u dhuundaloolaa Haatuf u xaqiijiyeen la sheegay inay suxufiyiin gaar ah oo ka hawlgala magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Wajaale baadi-goobayaan, kuwaas oo ay madaxtooyadu ku soo amartay in xabsiga lagu soo guryo xili ay xabsiga magaaladda Gabiley ku jiraan laba suxufi oo ka kala hawlgala telefishanada HCTV iyo Somalia-Set loo xidhay warar ka dhan ah xisbiga Kulmiye oo ay todobaadkii hore baahiyeen.Aamina Waris

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS