haatuf.net
Mucaaridka Somaliland Oo Samaystay Cududii Is Bahaysi Ee Abid Mucaaridka Dalku Samaysto Iyo Nuxurka War-Murtiyeed 7 Qodob Ka Kooban Oo Ay Soo Saareen+Sawiro
March 4, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, adiposity March 4, look 2015 (Haatuf) – Munaasibad ballaadhan oo maanta lagu qabtay Hutel Mansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu daahfuray Isbahaysi cusub oo mucaaradka somaliland samaysteen, taas oo ay ku bahoobeen labada xisbi-mucaarid ee Ucid iyo Waddani iyo waliba Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku.

Munaasibaddan ayaa waxa kasoo qaybgalay inta badan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta ka fikirka duwan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana laga jeediyey khudbado kala duwan oo salka ku hayey sidii xal loogu heli lahaa qabyada ka muuqata arrimaha Doorashada dalka ka qorshaysan.

Isbahaysigan cusub, ayaa kulankoodan ugu horreeyey kasoo saaray Qoddobo dhawr ah oo ay ku muujinayaan inay fikir midaysan ka aaminsan yihiin xaaladda Dalka iyo waliba xalka ay hayaan, waxana ay xukuumadda ugu baaqeen inay ka fikirto badbaadinta dalka ee mustaqbalka dhaw.

Muhiimadda qoddobadan ayaa ah inaan sinaba dalka looga samaynin wax muddo-kordhin ah, isla markaana la kala diro Golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Haddii aanay doorasho dhicin. madasha iyo mucaarid

Qodobada doorashada ku saabsan ee ka soo baxay Madasha iyo Mucaaradka oo nuqul ka mid ah Haatuf helay ayaa iyagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

1.Waxaanu u aragnaa inay waajib tahay in doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigoodii ahaa 26-06-2015.

2.Waxaanu caddaynaynaa inaanay Xukumaddu wax cudur daar ah u hayn dib u dhac kasta oo doorashada ku yimaada, dalkana kama jiraan duruufaha Sharcigu sheegay, sida nabadgalyo darro,Cudur, Aafo, Dhul gariir iyo wixii la mid ah Illaahay inaguma keenee.

3.Waxaanu Komishanka doorashada u soo jeedinaynaa inay si dhakhso ah u soo saaraan jadwalka doorashada oo wakhtiyaysan(Road map).

4.Waxaanu caddaynaynaa in haddii doorashooyinka lagu qaban waayo wakhtiga aanu kor ku soo xusnay aanan Aqoonsan doonin Xukumadda Siilaanyo iyo Golaha wakiiladaba, wixii 26-06-2015 ka dambeeyana aanay ku joogi doonin Sharci.

5.Waxaanu soo jeedinaynaa in la kala diro labada gole ee Xukumadda iyo Wakiilada maadaama ay gabeen xilkii saarnaa, islamarkaana hor istaageen dariiqii Dimuqraadiyadda iyo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

6.Sidoo kale waxaanu uga digaynaa Golaha guurtidu inuu sameeyo xadgudub sharci iyo Muddo kordhin ku timaada xil gudasho la’aanta Xukumadda, iyagoo haba yaraatee dalka aanay ka jirin duruufihii dastuurku sheegay, haddii arintaas la sameeyana waxaa ka dhalan doona Qas iyo dib u dhac.

7.Anagoo ka duulayna heshiisyadii labada Xisbi Mucaarad iyo Madashu hore u wada galeen waxaanu guddi u saarnay ka soo talo bixinta Wixii laga yeeli lahaa 26-ka June haddii doorasho qabsoomi waydo

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS