haatuf.net
Interpeace Oo Qandaraaskii Diiwangelinta Doorashooyinka Somaliland Kala Noqotay Sharkadda Creative Oo Hore Loo Siiyey
March 5, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, generic March 5, discount 2015  (Haatuf) – Hay’adda Interpeace ee Somaliland ka caawisa doorashooyinka ayaa si rasmi ah uga noqotay Qandaraaskii ay shirkadda Creative ku siisay Adeega Diiwaan-gelinta Doorashada kadib markii ay shirkadda ESI (Electrol Service International) ay ku eedaysay in Qandaraaska ay ku heshay Dano hoose oo sharci darro ah.

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray 01/03/2015-ka Agaasime ku-xigeenka hawl socodsiinta shirkadda Interpeace Jerry McCann ayaa lagu sheegay in laga noqday ama la tirtiray Qandaraaskii shirkadda Creative lagu siiyey Adeega Diiwaangelinta.

Qoraalka ay Interpeace soo saartay waxa lagu yidhi markii aanu la tashanay guddidab Doorashooyinka Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera Diiwaan-gelinta Interpeace waxay burisay Qandaraaskaas la siiyey Creative. Qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

“Per section 15 of the Instructions to Tenders and sections 2.4.13 of the PRAG (http://ec.europe.eu/europeaid/prag) and in consultation with NEC and the donors supporting the Somaliland Voter Registration process, Interpeace is cancelling tender Somaliland NEC 2014-02.

Go’aanka ay Interpeace qaadatay ayaa ku soo beegmaya kadib markii shirkadda ESI ay dacwad ka gudbisay qaabka qandaraaska loo bixiyey, hase yeeshee markii Dacwadaasi gaadhay waxay soo saartay qoraal ay ku ayidayso qandaraaskan ay baabi’isay oo ay ku sheegtay in uu si cadaalada ah oo dhibco wanaagsan ah ku heshay Tartanka.

ESI waxay ku eedaysay Creative in ay iyadu samaysay qiimaynta Qalabka loo baahan yahay maadaama ay mashruucaas qaadatayna aanay xaq u lahayn inay Tartanka lagu bixinayo wixii ay qiimaysay ka qayb qaadato, taasoo markii ay Interpeace ka dhago adaygtay Eedaha loo soo jeediyey ay ESI rafcaan uga qaadatay Qaadhaan-bixiyayaasha, doodaas ay aakhirkii ku Guulaysatay inay NEC, Interpeace iyo Qaadhaan-bixiyayaashuba garawsadaan Eeda loo soo jeediyey.

Qoraalka Interpeace soo saartay oo la Ogeysiiyey shirkaddihii Tartanka ka qayb galay Ayaan lagu sheegin wakhtiga danbe ee Qanadaraaskaas la shaacin doono in lagu Tartami doono mar kale, maadaama kii hore buray, sidoo kale waxaan kalsooni lagu qabi karin sidii loo aamini lahaa mar kale Tartankaasi.

Komishanka Doorashooyinka ayaa habeen hore kulan la yeeshay sadexda Xisbi qaran, waxaana sida la sheegay ay ku war-galiyeen in la xaliyey murankii ka taagnaa qandaraaskii Diiwaangelinta, hase yeeshee sida Farriinnews.com heshay waxa cad in mar kale Tartan loo galayo qayb ka mid ah Qandaraaskii Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ee la isku haystay. Source: Waaheen.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS