haatuf.net
Wasiir Kashifay Qorshe Midnimo Oo Xasan Sheekh U Soo Bandhigay Madaxweyne Siilaanyo
March 7, 2015 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, adiposity March 7, 2015 (Haatuf) -Wasiirka warfaafinta Xukumadda Muqdisho, Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye), ayaa kashifay farriin Xasan Sheekh u soo dhiibay wakhtigii ay ka qayb galayeen Wada hadaladii burburay ee Turkiga, taasi oo uu Xasan Sheekh ku doonayay midnimada Somaliland iyo Somalia.

wadahadalkaWasiirka oo Warbaahinta Xukumadda Muqdisho u waramayay ayaa sheegay in Xasan Sheekh Soo faray dood ah in Xasan Sheekh Somaliland diyaar ula yahay Kursigiisa haddii ay midnimada Ogolaadaan. Wasiirka ayaa soo xigtay hadal Xasan Sheekh soo faray oo uu horena Madaxweyne Siilaanyo ugu bandhigay, taas  oo ah in Xasan Sheekh Kursigiisa Siilaanyo uga kici doono hadduu hanaanka Midnimada ogolaado.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland 1960-kii midnimo bilaa shuruud ah la timid muqdisho balse aan sidii ay u keeneen loogu abaal gudin balse haatan loola diyaar yahay “Dabcan umaddu way qabaan in markaaan midnimadaas iyo tanaasulka loo gudin ama garashaday  sameeyeen mid la mid ah oo u cad goysa aanay koonfurta kala kulmin Somaliland, laakiin hadda ayaa diyaar loo layahay, oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,hadda markii uu shirka noo dirayay waxa uu yidhi “Walaalkay Siilaanyo markaan la kulmay(Shirkii Jabuuti)waxaan ku idhi kursigayga haddii midnimadii lagu helaayo waanu ku raadinaynaa oo waa iga diyaar” ayuu yidhi Wasiirku.

Qorshahan Xasan Sheekh u bandhigay Madaxweyne Siilaanyo, ayaan ahayn mid dibada u soo baxay intii ka dambeysay shirkii, balse waxaan bulshadu fahmin wada hadalkii u dambeeyay ee Burburay oo Somalia 7 xubnood ee ay shirka u soo diratay ay 5 ka mid ahi ahaayeen dad reer Somaliland ah oo Xamar u shaqo tagay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS