haatuf.net
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Maaliyadda Oo Xilkii Kala Wareegtay Samaale Iyo Hadaladii Madasha Laga Jeediyey+Daawo Sawiradda
March 7, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, bronchi March 7, hospital 2015 (Haatuf) – Wasiirkii Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, troche ayaa Maanta xilkii ku wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Marwo Samsam Cabdi Aadan. Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa labada Masuul xilka kula kala wareegeen.

Wasiirku waxa uu halkaasi ka sheegay waxyaabaha uga qabsoomay wasaaradda Maaliyadda intii uu xilka hayay isagoo sidoo kalena si faahfaahsan uga sheekeeyay sababaha keenay in Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaado oo uu inta badan u badiyay inay muuqato in dad u kala sheekeeyeen.

Ugu horayn waxa uu ka hadlay xidhiidhka isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo “Xilka maanta aan hayay ee Wasaaradda waxaa Ii Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waanan uga mahadnaqayaa. Kalsooni uu igu qabay oo aanu isku qabnay ayuu iigu magacaabay, waxaa naga dhexeeyay Madaxweynaha Kalsooni, wada shaqayn iyo Is Aamin, walina naga dhexeeya, wuu naga dhexeeyay walina wuu naga dhexeeyaa.”

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu iftiimiyay in isaga iyo Madaxweynaha dad xumaan u kala gudbiyeen “Laba qof oo kasta oo isjecel, wada shaqeeya oo isku xidhan oo Saaxiibo ah, Xasad iyo Xaasid ayay leeyihiin. Waxaa jira dadka qaar warka inta xun uun ka shaqeeya, iyo isku dirka iyo kala fogaynta”.

Wasiirka hore ee Maaliyaddu waxa uu tusaale ugu soo qaatay dadka Umadda isku dira Aayaad Quraanka Kariimka ah ku jira oo sheegaya in Warka la hubsado “Aayaadkaasi Sabab Nasuul bay leedahay laakiin, waa Qiso Umadda Muslimiinta ah mar walba si guud loogu sheegayo inay jiraan wakhtigii Asxaabta iyo hortoodba inay dadka kala geeyaan oo kala kaxeeyaan, Illaahay baa leh hubsada warka la idiin keenayo.

Waxaa Jirtay Qiso in Rasuulka(SCW) Nin Reer Baadiye ah u sheegay in Wakhti heblaayo Sekeda loo soo dooni doono. Ninkii oo sii diyaariyay Sakadii Xoolihiisa oo sugaya Ballankii Rasuulka(SCW), ayaa Rasuulku(SCW) Nin Sakada ka soo qaada u soo diray, Ninkii Sakada loo soo diray muu soo gaadhin Ninkii sakada laga soo qaadayay ee dhex duu ka soo noqday isagoo leh Ninkiina Sakadii iima soo dhiibin anna waa la I dili gaadhay oo dirqi ayaan ku soo fakaday.

Ninkii Sakada laga soo dooni waayay wuxuu Yidhi Rasuulka Illaahay been ma sheego wakhtigii uu ila ballamayna way gaadhay ee Sakada ayaan u gaynayaa, waxaana dhexda iskaga hor yimid Ciidan Rasuulkii(SCW) u soo diray Ninkan sakada diiday iyo Ninkii oo sakadii wada, waxaana la iskula tagay Rasuulka, xilligaana waxaa soo degay Waxyi Illaahay leeyahay hadduu Mid war idiin keeno Iska Hubsada. Maanta waxyi soo degi maayo laakiin, Ayaamaha dhaw ee aan fogayn wax walba horteenay iman doonaan” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay inay arrinta isku dirka isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo gaadhay in isaga cod loo eekaysiiyay la duubay loona geeyay Madaxweynaha “Maanta waxaa la odhanayaa cod baa la duubay oo la hayaa, Cabdicasiis oo Madaxweynaha Caayaya, waa wax dhacaya oo aan caddayna loo hayn laakiin, inta loo eekaysiiyo ayaa sidaas la odhanayaa” ayuu yidhi Cabdicasiis.

Wasiirka hore ee Maaliyadda, Cabdicasiis Samaale oo dhawaan laga bedelay Wasaaraddan loona bedelay Wasaaradda waxbarashada ayaa diiday xilkaasi islamarkaana sheegay inaanu xil dambe ka qaban doonin Xukumadda Siilaano, waxaanu sheegay inuu dareen isaga u gaar ah uga cudur daartay.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu sheegay inuu ka sii mid ahaan doono Xisbiga Kulmiye oo uu ka mid ahaa raggii Madaxweyne Siilaanyo la aasaasay, isagoo intaas raaciyay in Madaxweynaha ay isku wanaagsanaayeen haddana isku wanaagsanaan doonaan.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS