haatuf.net
Golaha Degaanka Gabiley Oo Maayar Cusub Doortay
March 17, 2015 - Written by Admin Two

Gabiley, cheap March 17, 2015 (Haatuf) – Golaha deegaanka degmadda Gabiley, ayaa fadhi ay maanta yeesheen ku doortay Maayar cusub kadib markii Maayarkii hore loo magacaabay Wasiirka Warshadaha Somaliland.

Fadhi maanta Goluhu yeeshay ayaa cod loogu qaaday Maayarka cusub oo aanay jirin Cid la tartamaysay, waxaana Duqa cusub ee Gabiley loo doortay Xildhibaan Maxamed Cumar Cabdi(Maxamed Amiin). Fadhiga oo ay ku sugnaayeen 18 Xildhibaan ayay intuba codkooda siiyeen Maayarka islamarkaana cid diiday iyo cid ka aamustay midna aanay jirin.

Mudane Maxamed Aamiin, ayaa ka soo baxay Xisbiga Ucid, waxaana madasha ku sugnaa Wasiir xigeenka Gobolada iyo degmooyinka wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Gabiley oo mudaneyaasha degaanka uga mahadceliyay sida hufnaanta leh ee ay iskaga dhex doorteen Maayar hogaamiya.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS