haatuf.net
Haatufka Maanta
March 18, 2015 - Written by Admin Two

haatufkaWallee inaynu wax kasta maqli, medic sowtan kii Faysal Dhaga Dhago Islaan ay qaraabo yihiin u xukumay mid ka mid ah daarihii Xaaji Ibraahim Cigaal oo 50 sanadood ka hor la kala iibsaday ee yidhi intaan iibku dhicin bay dhaxalka wax ku laheyd.

Jaahilkii ina Warancade-na ma maantu hadana shuqulkii NSS-ta oo kale la yimid oo uu sidii North Korea yidhi qofkii aan Kaadhka Diiwaangalinta haysan Xawaalad iyo SIM-kaadh midna ma qaadan karo Iskuul-na ma tagi karo.

Hadda dadka boqolkiiba soddon (30%) wax ka yarbaa qaatay kaadhkan uu sheegayo ee markii hore ujeedadii looga dan lahaa aheyd sidii doorashadda loo habsaamin lahaa Adeer kaartadiisan yar ee cusubna waa la ogyahay in cidda loo gumuc iyo qacleeyahay tahay xawaaladdan WorldRemit iyo Shirkadda Telesom ee isku xidhmay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS