haatuf.net
Wasiir Xil Habeen Loo Magacaabay Aroortii Wuu Hurdaa!!!!!! Goddoomiyaha Abaabulka Haweenka Ee Qaarada Europe Ee Xisbiga UCID Marwo Samia Muse
March 18, 2015 - Written by Admin Two

Waxaan Baryahan Danbe Aan Ka Yaabay Arin Aan Muddu Maqli Jiray , Oo Ahayed Madaxtooyada Habeenki Ayay Shaqaysaa !!!!!!! Hadda Isku Shaandhayes Iyo Kala Shaandhayes Ayaa Madaxtooyadi Ka Socota …!!!!! Waana Wax Qalad Ah Waayo Casiirka  Koktailka Ah Lama Shaandeeyo Habeenkii!!

 

Waxaa Arinkaa Sababay Waxay Tahay Gabadhii Faalisada Ahayed ( Shamis ) Ayaa Laftigiidi Is Casishay Markii Ay Hordadii Ku Yaraatay !!!!! Markaa Arinkii madaxtooyado Wuu Cakiran Yahay Ee Fadlan Hala Dulqaato Inta Faalisa Fresh Ah La Helayo ……..!

 

Waxaan Ka Yaabay Anigu Markaa Aan Ahay Wasiir Dhan Oo Maaliyad Ah Waxaan Ku Takhasusay Waa Wax Kasta Oo Ganacsiga Iyo Maaliyada Hoos Yimaada , Wasiirka Wax Barashadona Wuxu Ku Takhasusay Wax Kasta Oo Wax Barashado Hoos Yimaada , Laakin Waxaan Fahmi Waayay Wasiirkii Maaliyadda Waxaan Ku Badalay Wasiirki Wax Barashada !!!!???? Dee Taasi Waa Khiyaamo Qaran Iyo Profishin Waayo Qualifikationba Qofkaasi Ku Ma Haysto Meeshaa Loo Magacaabay !!!!

 

Mar Dhaw Waxaad Maqlaysaan Wasiirka Warfaafinta In Lagu Badalay Wasiirka Duulista Iyo Hawada ???

Wallaahi Somaliland Marxaladdan Ay Ku Jirto Waa Marxalad Aad Iyo Aad O Liidataa Oo Niyad Jab Iyo Dhaawac Wayen O Geesatay Ictiraafki Somaliland Iyo Magaca Ay Afrika Ku Lahayed.

 

Kursii Waa La Helaa Laakin Kalsooni Way Adagtahay Sida Aad Oga Heshaan Aduun Waynaha , Taasina Waxaa Ka Danbeeya Waa Xukumadda Somaliland Ee Lakala Garan La’a Yahay Wasiirkii Iyo Madaxweynihii ???!!!!! Inoo Wasiirku Ku Dhaarto Haddii Suurka Lagu Afuufin Wallaahi Waa Mucjisadi Qarniga Ma Waxa O Iska Dhigay Inoo Yahay Ninki  Yawma Al Qiyaama Afoofayay Wax…????

 

Somaliland Waa Dawlad Qaran Ah ,Waa Hantii Shacab Iyo Qaran ,Waa Dhaxalkii Awoow yaasheen Cidina Suurka Kuma Afoofi Kartoo Awoodana Allaah Subxaanahu Wa Tacaala Ayaa Iska Leh.

 

Waxaan Jeclaan Lahaa In Qawlka La Ilaaliyo Oo Doorashadana Wakhtigeeda Lagu Qabto.

Muddo Kurdhisko Wuxuu Ka Yimaada Shacabka Laakin Xukumadda Kama Yimaado !!!

 

Guriga Aad Kiraysato Xili Aya Laguu Ogal Yahay Inaad Ku Jirto Laakin Haddi Wakhtigo Kaa Dhamaado , Kordhinteeda Waxax Iska Leh Ninka Guriga Leh Oo Ah ( Shacabka ) , Dee Shacabkiina Dulmi Iyo Cadaadis Intaa Ka Badan Ma Awoodaan , Markaa Waxaan Odhan Lahaa Intaanay Dawcada Kurisgu Tagin Maxkamad Iyo Niyad Jab Iyo Cadaawad Si Sharaf Leh  Aan O Wada Dhawrno Hantida Qaranka Iyo Shacbka Waayo Hantida Shacabka Iyo Qaranka Kurisgu Iyo Madaxtooyadu Way Ka Mid ……

 

Goddoomiyaha  Abaabulka  Haweenka Ee Qaarada Europe Ee Xisbiga UCID

Marwo Samia Muse.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS