haatuf.net
“Madaxweynuhu Wax Buu Isku Shaandheeyey Isaga Oo 3 Bilood U Hadhsantahay, Xukuumadiisuna Laba Ayey Ahayd Oo Mid Ayaa Hadda Meesha Ka Baxday” Xildhibaan Obsiiye
March 18, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, March 18, 2015 (Haatuf) – Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan) oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha guurtida Somaliland, ayaa si adag uga hadlay isku shaandhayntii madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan ku sameeyey xukuumadiisa, waxaana uu tilmaamay in isku shaandhayntaasi ay ka muuqatay hubsiimo la’aan aad u badan, isaga oo carabka ku dhuftay in qaabkii isku shaandhaynta uu madaxweyne Siilaanyo ugu sameeyey xukuumadiisu aanay ahayn mid wax ka taraysa tabashooyinkii hore u jiray balse ay sababi karto in ay cadho ka sii kacdo.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu yidhi:”Hubsiin la’aanta Siilaanyo, isku halaynta saleebaan, hor bood boodka xirsi iyo habacsanaanta Habar-yoonis. Hubsiimo la’aanta Siilaanyo, waxaad moodaa maanta mid jecel iyo neceba qorshihiisu aanu midnaba u hubsanaynin, waxaana ay ka dhex muuqatay isbedalkii ugu danbeeyey ee uu xukuumadiisa ku sameeyey, isku-hagaajinta Saleebaan, Saleebaan isku tiir tiiri oo yaanay god daloolo iyo khilaaf imanin ayuu isleeyahay samee hadana dawlada kama dhexmuuqato. Hor bood boodka Xirsi, Xirsi waa ninka Labaad ee dalka, wakhti xasaasi ahna waa lagu jiraa waxii walbana in uu u jawaabo oo uu u dhaarto ayuu doonayaa haddii ay 26ka Juun dhaafto ma Suurta ayaa la afuufayaa, raga meesha haysta in aanay cidina meesha ka soo saarayn waynu ognahay ayuu yidhaahda oo wakhtigan oo xasaasi ah ayuu sidaas u qaylinayaa oo maaha dee ninkii wakhtigan qaylin lahaa.”.

Md:Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), waxaa uu sida oo kale sheegay in hubsiimo la’aan ay ka jirtay wada-hadalkii Somaliland ay la gashay Somaliya marka la eego qorshahii hore uu u watay madaxweyne Siilaanyo iyo waxa hada soo baxayba.”Siilaanyo waa ruug cadaa in badan dalka ka soo shaqeeyey, waxaa uu u muuqday maanta madaxweyne nimo guddoomiye, waxaa laga doonayey meeshii ay madaxweynayeyaashu isaga danbeeyeen in uu sii wanaajiyo maanta, god daloolooyin badan iyo wax badan oo aan la xalin karayna waa ay soo baxeen, ugu horeynti xukuumadihii isaga ka horeyeye la hadalka Somaliya waa ay iska xidheen, isaga ayaa yidhi waa aynu wada hadalnaayee arrinta ii baas gareeya oo naga hor qaada, waxii ku gudbanaa wada hadalka, arrinta dhaxalkeedii waxaa uu noqday in ay qiimayntii Somaliland meesha ka saarto, oo rooga layna jiido oo la inagaga adkaado, oo aakhirkii inta Somaliya la ina yidhaado oo gobal la inaga dhigo Somaliya ka mida. halkaa hubsiimo la’aan ayaa ka soo baxday oo Siilaanyo sida uu moodayey iyo sida ka soo baxdayba marka aad eegto.”.Ayuu yidhi Md:Axmed Muuse Obsiiye(Gacan).

Xildhibaan Axmed Gacan oo sida oo kale ka hadlaaya isku shaandhaynta uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey xukuumadiisa, ayaa waxaa uu yidhi:”Siilaanyo waxbaa uu isku shaandheeyey oo isaga oo saddex bilood ay u hadhan tahay ayuu isku shaandheeyey, isku shaandhayntiina waxyaabo badan ayaa ka soo baxay, xukuumadiisu laba ayey ahayd oo mid ayaa meesha ka baxday hadda, rag moodayey in ay saaxiib yihiin oo ay isku hubaan dhulka ayaa la’la dhacay, oo wax la eryey iyo wax meel aan munaasib u ahayn la geeyeyba waa ay noqdeen, waxaa ka mid ahaa ninkii wasiirka maaliyada ahaa Cabdicasiis Samaale, Abiib Tima-cad, Cabdi Aw-daahir OO isna la geeyey gudniinka iyo fircooniga la geeyey, waxaa ka mid ahaa guddoomiyahii Baanka oo nin aan laba garanayn oo Somaliya  ka yimi oo Baankii loo dhiibay oo halkaana is khilaaf ka yimi inkasta oo uu reerka yahay oo aanan waxba u diidanayn hadana waxaa uu ka mid yahay kuwii Somaliya la inooga keenay ee aynu lahayn hor fadhiisan mayno, taasina hubsiimo la’aan ayey noqotay.Siilaanyo wax walba waa uu sahashanayaa marka aad eegto waxa weeye madaxdhaqameedkii reer Boorama waa ay cowdeen, kuraasi badan ayaa imika loo kordhiyey iyada oo la eegeyey waxa la siiyey hadana Suldaan ayaa saaka hadlay Suldaankaasi waxaa uu yidhi waxan uu noogu magacaabay madaxweynahu wali ma dha’dhawa,reerkii uu Suldaanka duday ka mid ahaana waxba lama siininba, waa reerkii Riyaale ka mid ahaa iyo Tolwaa ka mid ahaaba koob shaaha looma shubin, ama ha u badnaato ama ha u tira yaraatee oo markaa iyagana waa uu qadiyey, taasina hubsiimo la’aan ayey noqotay, isbedalkaa uu sameeyeyna wax Allaale iyo wax ay halkaas ka tartayna ma jirto, oo in ay cadho ka sii kacdo oo ay sii kululaato ayaa suurta gal ah, taasina waa hubsiimo la’aan.”.

Md:Axmed Gacan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in madaxweyne Siilaanyo uu beelaha uu isleeyahay cod ka heli maysid uu ka qaadayo xilalka ay hayaan.”Siilaanyo waxaad mooda beelaha qaar in uu leeyahay cod ka heli maysid oo deedna uu meeshaba ka saarayo, waxaa ka mid ah beesha Cabdi aw-Daahir iyo guddoomiyahii Baanka, iyo kii ahaa agaasimaha cadaalada iyo  rag kaleba uu ku xininaayo in aanu cod ka helayn reerahooda ayaad mooda, waligoodna ismay raacinba reerahoodu oo meel may wada marinba, waa hubsiimo la’aan.”.

Ugu danbayntiina xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan), waxaa uu sheegay in xidhiidhkii Somaliland ay la lahayd dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ay muddooyinkan danbe hoos u sii dhacayaan.”Dawladaha Jaarka ah waxaa aynu isagu wanaagsanayn waa Itoobiya, Itoobiyana maanta Laba Jabhadood ayaa dalkeedii degan oo ay mar walba ka soo duulayaan, halkaana Siilaanyo sidii aynu Itoobiya isku hayn waxaa uu ku bedalay ma garanayno, Somaliland-na Itoobiya kama maaranto, ta Labaad Jabuuti ayaa inoogu dhawayd oo umad Soomaaliyeed ah kii ugu danbeeyey ee wada-hadalka waxaa lagu qabtay Jabuuti, Jabuutina imika xadkeedii waa ay inaga so xidhatay, arrintaasina waa mid runtii la garan la’yahay waxa ka danbeeya runtii, markaa waxaad mooda hawlihii qaranka ee madaxweynena uu u ahaa Siilaanyo ay sii meel ka sii dhacayaan. isku soo wada ururiyoo taladii madaxweyne Siilaanyo war war ayey dadka ku wada abuurtay.”Ayuu yidhi Md:Axmed Muuse Obsiiye.Source:Geeska.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS