haatuf.net
“Badhasaabka Gobolka Saaxil Waa Mooryaantii Xamar Oo Dib Loogu Casriyeeyay Somaliland”Cali Guray
March 23, 2015 - Written by Admin Two

 

Hargeysa, cialis March 23, 2015 (Haatuf) – Gudoomiyaha Saddexaad Ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa badhasaabka Gobolka Saaxil ku tilmaamay mooryaantii Xamar oo dib loogu casriyeeyay Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in Madaxtooyadu noqotay abeeso bakayle liq ah oo aan waxba ku marganayn.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, ayaa waxa uu qoraalkiisa u dhigay sidan:-  “Gudoomiyaha Gobolka Saaxil dabin hunguriga wiilka way asiibtay oo waa baro barihii maalmihii qaloocnaa ee Qaaxo iyo isbaarooyinkii Mooryaankii Xamar oo dib loogu casriyeeyay Somaliland. Arintani qorshe dawladeed maaha. Qorshe qaran maaha mid Qolona maaha ee waa mid qoys. Wiilku waxan oo lacag ah halkuu geeyaa ma isaga ayaa wada qaata bay idinla tahay? Mise madaxtooyadii baa noqotay abeeso bakayle liq ah oo aan waxna ku merganayn waxna ku miiganayn. Halkay baahidan iyo gaajadan ka qaaday madaxtooyadan aan dhiga lacagta mooyee wax kale garan wayday. Isku soo wada xoori Axmed Siilaanyo milyaneer aan is ogayn uun iga dheh anna waxan leeyahay waa la doogaye yaan la dacaroon.”

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS