haatuf.net
Haatufka Maanta
March 24, 2015 - Written by Admin Two

haatufkaWallee yarkan xidid-ku-xoolow ayaan loo taag helin. Tuu keenaaba tii hore ka daran. Waa ninka markii Carabtii iyo Faransiiskii uu is-lahaa dekedda Berbera ka kiree ay ka kala yaaceen, Isbaaro soo dhigtay kaddinki marsadda ee yidhi, waxaan ku baadhaya tayadda gaadiidka dibadda laga keenayo oo

iga walla boqol doolar oo gaadhi kasta oo soo dega la iga siiyo mooyaane in aan mid dekadda ka baxaya jireyn.

Alleyle ”Waaba laxbaa lagaa yidhi”. Maxaa tayo la baadhaa dalkaba gaadhi mustacmal oo second hand ah mooyaane mid kale lama keeno ‘e. Waxaanse ka baqayaa in maalinta dambe uu mid kale-na intuu mashiin yar la yimaado ina yidhaahdo waxaan ku baadhayaa tayada macaanka sonkorta soo degta.

Waar nimanku khashiinsana, kol haday isbaaro dhiganayaan, anagaaba lacag ugu dari lahayne may dalka ka qabtaan daawooyinkan iyo raashimadan dhacay ee dadku ku dhimanayaan iyo waliba shidaalkan isku-darka ah ee gawaadhidiiba wada kharibay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS