haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Eryey Sifir Iyo Safiirkii Xukuumadiisa U Fadhiyey Djibouti, Kuwa Cusub-na Ku Bedelay
March 31, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, search March 31, 2015(Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa eryay laba Safiir oo dibada u joogay Dawladdiisa, kuwaasoo uu ku bedelay Diblomaasiyiin cusub.

Mid kamida labada Safiir ee uu eryay ayaa ah wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka Kenya Maxamed Sifir, kaasoo hore u ahaa siyaasi xilal ka soo qabtay dawladda Soomaaliya.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxafadeed goor dhawayd ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Haatuf, ayaa waxa kale oo xilkii safiirnimo looga qaaday wakiilkii dalka Djibouti u fadhiyey Somaliland Ambassador Qaline.

Digreetada Madaxweynaha ayaa lagu  go’aamiyey . In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti iyo In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Sidoo kale waxa Madaxweynuhu xilalka ka qaaday  Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) iyo Ambassador  Maxamed Xirsi Qalinle. Wasiirka Arrimaha Dibada, ayaa lagu amray inuu Masuuliyiintan xilalka si dhakhso ah ugu kala wareejiyo. “waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Sidoo kale Safiirkii hore ee Kenya u fadhiyey Somaliland, ayaa loo aanaynayaa sababta xil ka qaadistiisa laba qodob. Arrinta ugu weyn ee lagu xidhiidhiyey ayaa ah hadal dhawaan ka soo yeedhay oo uu ku dafiray jiritaanka Dawladda uu madaxda ka yahay. Wuxuu sheegay inuu yahay Safiir ku meel-gaadh ah, iyadoo taasi u dheerayd dhaliilo loo soo jeediyay Xafiiskiisa.

Dhinaca kale warsaxaafadeedkaas Madaxtooyadda kasoo baxay oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL Naasir Yuusuf Daahir ayaa isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Jabuuti & Kenya;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.
2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis
1. Ku: Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir),
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya Nairobi
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa
Mudane,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
2. Ku: Mudane, Maxamed Xirsi Qalinle,
Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti Jabuuti
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa
Mudane
waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti”.
 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS