haatuf.net
Ma Dhabaa In Madaxtooyadu Go’aamisay In Xabsiga Loo Taxaabo Samaale Iyo Abiib Timacad??
April 11, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ampoule April 11, illness 2015 (Haatuf) –  Iyadoo maalmo ka hor weftigii Maraykanka ahaa ee Hargeysa socdaal ku yimi ay gooni gooni ula kulmeen Wasiiradii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wershadaha Abiib Timacad ee dhawaan iska casilay xukuumadda Siilaanyo, ayaa waxa suuqa soo galay  warar sheegayay in kulan madaxtooyadda ka dhacay layskula soo qaaday labadaa siyaasi oo is aragyadii ay la yeesheen weftiga Maraykanka ahi la tilmaamay inuu aad u cadha geliyay madaxtooyada.

Inkasta oo xaqiiqo sugani aanay soo bixin, haddana, xogo uu wargeyska Ogaal ka helay illo dadban oo u dhuun dalloola madaxtooyadu, waxay tibaaxeen in xubno wasiiro ah oo garab saarka awoodda madaxtooyada loo tiriyo inay ka safan yihiin dhinaca lidka ku ah wasiirka madaxtooyadda iyo xulafkiisa oo haatan u muuqda shiiqsane kadib tegistii Samaale, ay kulankaa ka qayb galeen isla markaana ay  Marwadda madaxweynuhuna xaadir ahayd, halkaana layskula soo qaaday waxa laga yeelayo talaabadaa ay qaadeen labadaa siyaasi ee ay ku arkeen weftigii maraykanka ahaa, oo ka hor aragtidooda la kulmay madaxtooyada, xisbiyada mucaaridka ah iyo dhinacyo kale.

Xogahaasi waxay intaa raaciyeen inay kulankaa dhex timi aragti ah in xabsiga loo taxaabo Samaale iyo Abiib, taasoo aanay tibaaxuhu magac dhebin cidda soo jeedisay, balse ka timi mid ka mid ah xubnihii kulankaa, isla markaana siday xoguhu suureeyeen la tilmaamay in loo guuxay, isla markaana ay soo dhaweeyeen xubnihii kulanku.

Hase yeeshee waxa haddana soo duulay xogo xambaarsanaa farriin ah in laga noqday talaabaddaa.

Duulka duulka xogahaa dadku isla dhex marayeen ka sokow ma jirto xaqiiqo sugtay jiritaanka kulankaa iyo ka wada hadalka mawduucaa oo si toos ah u soo baxday. Source: Ogaal.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS