haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Diwaangalinta Codbixiyayaasha U Qoondeeyey Wakhti Ay Dhamaanayso Mudadiisa Sharciyadiisu
April 12, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, purchase April 12, pharmacy 2015 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa diwaanglinta codbixiyaasha u qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 21/07/2015 oo ay dhamaanayso mudadiisa sharciyada ah ee la doortay, kaas oo ay shantii sano ee la doontay uga hadhsan tahay 75 cisho oo kaliya.

Waxaanu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL Naasir Yuusuf Daahir, kaas oo nuqul ka mid ah Haatuf soo gaadhay, ayaa isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan: – “Taariikhda: – 12/04/2015
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;
Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah;
Wuxuu Soo Saaray;
Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS