haatuf.net
Abwaan Ismaaciil JIHEEYE Oo Curriyey Maanso Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Siyaasadda
April 15, 2015 - Written by Admin Two

Waa Maanso cusub oo uu sameeyey Abwaan ismaaciil Yuusuf Cabdi (JIHEEYE), pills waana Hees ku saabsan siyaasadda, order ee bal idinkuna garaadkiina qiimeeya waxay idiinla muuqato.

Siyaasadda weydey,

Garaad ku sar-gooya,

Sugnaanshiyo haybad,

Saaceedu ma hawro.

Siyaasadda weydey,

Aqoon ku saleysan,

Sareediyo daacad,

Sidkeed isma buuxsho,

Siyaasadda weydey,

Sabaalin u heellan,

Saluugga Dadkeedu,

Suuldaaro ma weydo.

Siyaasadda weydey,

Dhaqaale sabaaya,

Saboolkiyo caydhu,

Faqiir solan weeye.

Siyaasadda weydey,

Sir-doon ka ilaasha,

Sinsaaro Cadaaweh,

Sibraar dagan weeye,

Siyaasadda weydey,

Sabaalin u heellan,

Saluugga Dadkeedu,

Suuldaaro ma weydo.

Siyaasadda weydey,

Difaac ka sadqaadda,

Sir loogu dabooley,

Sidii Dabin qoollan.

Siyaasadda weydey,

Suugaan u tilmaanta,

Saadaasha ka daahan.

Sursuurta ma dhaaddo.

Siyaasadda weydey,

Sabaalin u heellan,

Saluugga Dadkeedu,

Suuldaaro ma weydo.

Siyaasadda weydey,

Shakaal iyo seeto,

Ka jira sal-fudeydku,

Simbiidhaley weeye.

Siyaasadda weydey,

Taariikh u sifeysa,

Sooyaal ka horeyey,

Ta saaka ma dhawrto.

Siyaasadda weydey,

Sabaalin u heellan,

Saluugga Dadkeedu,

Suuldaaro ma weydo.

Siyaasadda weydey,

Saaxiibo daneeya,

Guusheeda siraadan,

Ma saanyato muuno.

Siyaasadda weydey,

Dubaalad saluugta,

Dir sooca qabiilku,

Mid weeye sumaysan.

Siyaasadda weydey,

Sabaalin u heellan,

Saluugga Dadkeedu,

Suuldaaro ma weyde,

Alloow hana seejin,

Dariiqa Samaanta

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS