haatuf.net
Ceebta Iyo Hagar-Daamadda Uu Xadhiga Guddoomiyaha Xuquuqal Iinsaanku Usoo Jiidayo Dawladnimada Somaliland Iyo Sidaan Danba Looga Lahayn! Faallo: Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)
April 21, 2015 - Written by Admin Two

 

Tan iyo intii Madaxwayne Siilaanyo xukunka qabtay waxa uu maamulkiisu tirtiray ama aamusiiyey hay’adihii u doodi jiray xoriyaadka iyo xuquuqda aadamaha intoodii badnayd, health taasina waxay hilfaha u qaaday xoriyatul-qawlkii ka hana-qaaday dalkan 24-kii sano ee u danbeeyey.

Camaladda ka dhanka ah xoriyaadka aas-aasiga ah ee ay xukuumadda Siilaanyo ku dhaqmaysay intii ay xilka haysay ayaa carqaladaynta geedi socodkii dumuqraadiyada ka-sakow waxay dalka usoo jiideen magac-xumo dibadda ah.

Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa hadana xukuumadda Siilaanyo ay sabtidii dhawayd xabsiga u taxaabtay guddoomiyihii xarunta xuquuqal-iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac ka dib markii uu waraysi uu siiyey BBC-da laanteeda afka Soomaaliga kaga hadlay musuqmaasuq iyo cadaalad-darada ka jirta maxkamadaha Somaliland.

Xarunta xuquuqal-iinsaanka oo haatan ahayd  hay’adda kaliya ee hadhay ee ka hadli-jirtay tacadiyada lagula kaco xuquuqda aadamaha, hospital ayaa waxa ka hawlgala muta-dawaciin dhalinyaro ah oo inamo iyo hablo-ba iskugu jirra, ed kuwaas oo kasoo baxa jaamacadaha dalka.

Hay’adani waxay hawlaheedan dalka ka waday mudo haatan laga joogo 5 sano. Hadaba markii ay maxkamadii waarranka xadhiga ah u jartay guddoomiyaha hay’adaasi ay markii danbe ogolaatay in damaanad lagu sii daayo ayaa waxa ka daba-qaatay xeer ilaaliyihii dawladda,  kaas oo amar ku bixiyey in Mr Guuleed xidhnaado.

Dacwadii Guuleed loo haystay ee waafaqsanayd xeerka maddaniga ahna wuxuu xeer ilaaliyuhu u badalay dacwad-waafaqsan xeerka ciqaabta ah isagoo cuskanaya qodobo qofka lagu soo eedeeyo aan damaanad loo ogolayn.

Qisadan ah in adigoo dambi-maddani ah laguu haysto dabeetana mid ciqaab ah lagagu soo eedeeyo si aan laguu damiinan, maaha mid ugub ah oo maanta uu dhacday, balse waa habdhaqan ay xukuumadda Siilaanyo la tamid oo intii ay taladda dalka haysayba ay u adeegsanaysay kuna cabudhinaysay shaqsiyaadka iyo warbaahinta madaxabanaan ee dhaliila.

Waxa xusid muddan in eedihii madaniga ahaa ee Haatuf  loo qabsaday  sanadkii hore iyagana sidan oo kale inta xukunkii lasii qadimay oo xaruunta guud ee Wargeyska albaabada loo xidhay ka dibna dacwad maxkamadda looga furay iyadoo loo cuskanayo qodobada lagu xukumo falalka dambiyada calculus sida mijo-xaabinta nabadgalyada qaranka, dilalka, kufsiga IWM.

Maanta waxay gaadhay Somaliland heer hadii aad xukuumadda dhaliisho ay xeer ilaalinta iyo maxkamadaha oo sifo sharci-daro ah isku kaashanaya ay kuu sameeyaan waarran xadhig ah iyo eedayn ciqaab ah, dabadeed adigoon waxba ogayn jeelka laguu taxaabo.

Hadda waxa lagugu haystaana waa rayigaaga ood cabirtay ee maaha fal-damiyeed aad cid qudha kaga jartay ama aad ku dhacday.

Waddanka caynkaas ah ayey qaar xisbiyada mucaaridka isku sheegaana u bu’ayaan doorasho xor oo xalaal ah oo dalkan ka dhacda.

Xarunta xuquuqal-iinsaanka ee 5 sano jirtay ee maanta kiiska loo samaynayo inay sharci-daro ku furnayd miyaanay idin-xasuusinayn xaruntii xuquuqal-iinsaanka ee la odhan jiray SHUURA-NET ee dawladii Rayaale albaabada u laabtay sanadkii 2007-dii.

Kuwii maalintaa falkaas ka qaylinayey waa kuwa maanta xukunka gacanta ku haya ee madaxwayne iyo wasiiro-ba ka ah. Kuwa soo socda-na lama hubbo kuwan hadda jooga inay dhaami-doonaan hadaanay kaba darnaanin.

Waa ayaan-darro in ummadii kifaaxa dheer usoo gashay xornimadeeda ee hiigsanaysay ictiraafka iyo ka mid noqoshada beesha caalamka maanta lala maseeyo meelaha ay digtaatooriyaduhu ka jiraan ee la xaqiro.

72-kii saacadood ee u danbeeyey warka xadhiga guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanku waxa uu ahaa mid ay warbaahinta caalamku ku celcelinaysay, lamana hayo ilaa hadda mucaarid iyo muxaafidba cid intay ka danqatay ceebta iyo hagar-daamada uu falkani usoo jiidayo sumcadii dawladnimada Somaliland iyo madaxbanaanideed isku dayday inay wax ka qabato arrintan foosha xun, halkay dhamaan ururadda xuquuqal-iinsaanka ee ka jira dalalka geeska iyo barriga Afrika ay xadhigan ka qayliyeen kana soo saareen bayaano ay ugu baaqayaan xukuumadda Somaliland inay guddoomiyaha xarunta xuquuqal-iinsaanka ee dalkan si degdeg ah xoriyadiisa ugu soo celiso.

Faallo: Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)

Hargeysa/Somaliland.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS