haatuf.net
Muddo-Kordhini Ma Noqonayso Xal: BY Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
April 26, 2015 - Written by Admin Two

Waxa aan hore u soo sheegnay in kheyraadka Dalkeenna, anesthetist Eebbe ku manaystay uu badan yahay. Waxa ka mid ah: Xoola-nool, badd, dhul-beereed, macdan iyo kheyraad kale oo badan. Ma aha dhulkii dadkeedu sabool ku noolaan lahaa.

 

Haddii aan soo qaadanno, Cashuurta Berriga ee miisaaniyadaha, muddadii xilka ee xukuumaddani waa 29%. Markaa Waxa dihin 71%. Waana Cashuuraha ugu muhimsan                                                                 Bal aan eegno,  dakhliga iyo kharashka dhabta ah iyo korodhka % sannadkii

Year Dakhliga Dhabta ah  % cordhay
2010      $    47,000,000 282,000,000,000
2011      $    80,220,615 481,323,687,473 70
2012      $ 108,290,161 649,740,967,407 34
2013      $ 133,523,749 801,142,492,917 23
2014      $ 163,070,453 978,422,717,597 22
Isugeyn $ 369,034,525

Halka mur-kacashadu ku jirtaa waa maamulka Dawladda oo ah, kaalinta:-

  1. Madaxweynaha, siiba wasaaradda Madaxtooyada. 2. Xeer-dejinta oo ah: Shir-guddoonna Golaha Guurtida iyo ka Golaha wakiilada.

Dariiqa ilaa hadda, wax loo maamulaya ma aha mid la mahadiyay. Intii Madaxweyne talada Dalka soo qabtay, waxa ay wadaagaan saddexdan arrimood;                                                       1. In Madaxweynuhu is-ticmaalka hantida Qaranka u madax-bannaan yahay.                                                   2. Inuu sharciga ka sareeyo.                                                                                                   3. In aanu dulqaad u lahayn, ra’yi kaduwan kiisa.

Madaxtooyada, Shir-guddoonka Guurta iyo Shir-guddoonka Wakiiladu, waxa ay u ambabaxeen dano u gaar ah. Waxa ay daboolka saareen Sharciyaddii Dalka: Dastuurkii iyo xeer-hoosaadyadiisii.

Dastuurka qod. 90ad: Waajibaadka Madaxweynaha, kuma jiro maamul lacageed. Haddana wuxu la wareegay siffo aan sharci ahayn, affar iyo toban M/Xige lacagtoodu dhantahay: $125,661,631. (ka baxsan miisaaniyadda madaxtooyada ee Goluhu  ansixiyay).

Golaha Wakiiladu waxba kama weydiin Xukuumadda lacagtaas, ay la wareegtay oo ay ku jirto 2% horumarinta Gobolada Bariga. Saddexdii sano ee u dambeeyay (2013, 2014 iyo 2015) lacagtaa ay la wareegtay waxa la kordhiyay: $ 57,156,631.

Waxa maamula lacagtasi; Madaxweynaha/ Wasiirka Madaxtooya. Waana ta dabarkii ka furtay Musuq-maasuqii. Waxa ay baabi’isay habsami u socodkii maamulka, haybadii Madaxweynaha iyo hawlihii Hay’adihii dabagalka sida:                                                                                                                   Hanti-dhawkii, Xeer-ilaalintii, Xisaabiyahii Guud, Hay’addii qandaraasyada, tii maamul-wanaaga, komishankii shaqaalaha oo giddigood xilkoodii si quman u gudan kari waayay.

Siyaasadda Xukuumadan waxa tiir-dhexaad u ah, QABIIL. Waxa ay qabtaa inay  kalsoonida shacbiga ku kasbi, wasiiro loo magacaabo beelaha. Waa sababta tirada wasiirada gaadhsiisay 57 wasiir. Baahida Dalku kama badan karto toddoba iyo toban wasiir.

Shaqaalaha Dawladduna waa xad-dhaaf. Waxa aan shaqayn 35%, oo aroortii intay buuga saxexaan iska hoyda. Saffarada dibadda iyo gudaha Iyana Kharash badan baa ku baxa. Saacadaha shaqaduna aad bay u yar yihiin.

Taladii Dalkani horumar ku gaadhi lahaa way laa-lan tahay. Shaqa la’aantu waa xad-dhaaf. Reero aan dab loo shidin baa badan. Shaqaalihi iyo ciidamadii, nolol adag bay ku nool yihiin. Tahriibkii dhalinyarada iyo naxdintii HOOYO way socdaan. Jaamacadii waxa ka soo burqanaya kuman yaal u baahan in la jaheeyo oo wax loo qabto. Xaaladda nololeed way adagg tahay.

HABARTII XAABADA LA KICIWAYDAY SE, WAXA AY TIDHI, II KORDHIYA. Waxa sida ka dhigan Xukuumadda tahli wayday inay ay doorashadii ku qabato wakhtigeedii inay u ololayso muddo kordhin aan sharci ahayn. Dastuurka Qod.42-3.

Muddo-kordhini ma noqonayso xal. Boobka hantida ummadda kordhi. Xumaha sii badan. Waxa ka habboon, oo ka fudud, kana khasaare yar inuu Madaxweynuhu istiqaale ka bixiyo mansabka oo uu iska nasto. Naftiisa, Dadka iyo Dalka J.S.L. sidaas u fiican.

ALLAA MAHAD LEH.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS