haatuf.net
Hargeysa: SONYO Oo Furtay Shirweynaha Daneeyayaasha Arrimaha Dhallinyarada Iyo Bandhigga Daraasad Cilmiyeed La Xidhiidha Dhibaatooyinka Dhallinyarada + Sawirrada
April 26, 2015 - Written by Admin Two

In Ka Badan 500 Oo Dhallinyaro Ah Oo Isaga Kala Timid Gobolada Somaliland Oo U Fadhiistay Shirweyne Afar Maalmood Lagu Eegi Doono Duruufaha Iyo Xalalka Dhibaatooyinka Dhallinyarada

 

Hargeysa, bronchi April 26, 2015 (Haatuf) – Shirweyne ballaadhan oo lagaga hadlayo dhibaatooyinka Arrimaha dhallinyarada Somaliland haysta si gaar ahna loogu soo bandhigi doono cilmi-baadhis weyn oo laga sameeyey dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa maanta huteel Maansoor uga furmay daneeyayaasha Arrimaha Dhallinyarada, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Booliska Somaliland iyo dalladda SONYO oo ah hay’adda shirweynahan soo qabanqaabisay, shirweynahaasi oo ay ka qayb galeen in ka badan 500 oo dhallinyaro ah oo isaga kala timid dhammaanba gobolada Somaliland.

Shir-weynahan Dhallinyarada iyo daneeyayaasha Arrimaha dhallinyarada oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa waxa furitaankiisii xaflad ballaadhan oo loo sameeyey ka soo qayb galay Wasiirro, Xildhibaano Baarlamaan, Taliyaha Booliska Somaliland, Hay’adaha deeq-bixiyayaasha ah iyo ururo caalami ah kaasi oo furitaankiisii lagu soo bandhigay ujeedooyinka shirkan, heererkii lala soo maray daraasadda balaadhan ee markii ugu horraysay laga diyaariyay baahiyaha dhallinyarada Somaliland iyo ajandayaasha saddexda maalmood ee shirkani sii socon doono.

Ugu horrayn Shirweynahan waxa ibo-furay Md. Cabdirasaaq Xaaji Xuseen Ciid oo ah madaxa Mashruuca Horumarinta dhallinyarada ee dalladda SONYO oo ka hadlay ujeedada shirkan iyo nuxurka la doonayo in uu ka soo baxo si natiijada Cilmi-baadhista laga sameeyey arrimaha dhallinyarada la isla eego, dhallinyaradu ka dooddo kadibna wixii ka soo baxa SONYO, dawladda iyo hay’adaha la shaqeeyaaba gacmaha isula qabsan lahaayeen wax ka qabashada dhibaatooyinka daraasaddaasi muujinayso. Sidoo kale kelmadihii ugu horreeyey furitaanka shirweynaha waxa isna ka hadlay Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo sheegay in Shirweynaha intan le’egi qayb ka yahay dadaalka SONYO ugu jirto sidii loo laban laabi lahaa wax ka qabashada arrimaha dhallinyarada si loo helo dhallinyaro cudud ah oo dalkooda wax tara oo aan ka tahriib ee abuura jawi bulshooyinka kale ee adduunku dalkeena ugu soo hiloobaan. Mudane Siyaad Cumar Cali waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay SONYO siinayso wax ka qabashada duruufaha wakhtigan dhallinyarada sida gaarka ah u haysta isaga oo sheegay in ay Hay’adaha iyo xukuumadda kala shaqaynayaan qorshayaal wax ku ool ah oo aan ahayn khad buug lagu qoray ee ah waxqabad dhab ah isaga oo ballan qaaday in SONYO iyada oo kaashanaysa daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada in ay la iman doonaan shaqadii lagu hirgelin lahaa siyaasadda dhallinyarada Somaliland (National Youth Policy) oo muddo laga soo shaqaynayay lana gaadhay wakhtigii la hir gelin lahaa.

“Waxaanu u taaganahay midnimada iyo sharafta umadda Somaliland. Aniga iyo saaxiibkay Cabdiqani Jiidhe oo ah guddoomiye ku xigeenka SONYO oo laga soo doortay Gobolka SOOL waxa aanu astaan u nahay wax wada lahaanshaha shacabka Somaliland taasi oo u baahan in la sii kobciyo la iskana kaashado sidii aan dalka u wada dhisan lahayn innaga oo gacmaha is haysana hareerahana ka taagan qaranimadiisa. Waxa sharaf ii ah in aan samayn doono xidhiidho cusub iyo saaxiibo cusub oo ah daneeyayaasha arrimaha bulshada gaar ahaan arrimaha dhallinyarada annaga oo si weyn u hirgelin doona natiijada ka soo baxday daraasaddan aan u fadhino in aan ka naaqishno waxna iska waydiino” ayuu yidhi Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo ugu dambayn dhallinyarada ku waaniyey in ay maskaxdooda tuujiyaan mudada ay shirkan ku jiraana ka doodaan sidii waxqabad loogu badali lahaa natiijada cilmi-baadhistan oo noqon doonta halka laga duulo ama hagi doonta qof kasta oo doonaya in uu dhallinyarada dalkeena wax la qabto.

Intaa kadib waxa madasha lagu soo dhaweeyey Marwo Jessemy oo ah haweenay ka socotay hay’adda Interpeace oo mashruucan maal-gelisay iyada oo faahfaahisay ujeedooyinka shirweynahan iyo qiimaha daraasaddan natiijadeedii loo fadhiyaa u leedahay wax ka qabashada arrimaha dhallinyarada Somaliland, gaar ahaan dhibaatooyinka dhallinyaradu abuurto iyo kuwa soo gaadhaba. Marwo Jessemy waxa ay SONYO, dhammaan Ururada Bulshada iyo xukuumadda kula dardaarantay in loo baahan yahay in si dhab ah loo guda galo wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee dhallinyarada iyada oo laga duulayo natiijada ay keentay cilmi-baadhistani oo ah macluumaad waafi ah oo wakhti badan iyo hanti badan la galiyey si loo helo macluumaadkii dhabta ahaa ee ka turjumayay baahiyaha dhallinyarada sida dhibaatooyinka ay dhallinyaradu gaystaan iyo kuwa loo gaysto.

Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Md. Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlay furitaankii shirweynaha arrimaha dhallinyarada ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay aad uga waantoobaan in ay tahriibaan oo ay dalkooda wax ku bartaan kuna sabraan iyaga oo ilaahay isku xidhaya dariiqaasina yahay xalka maadaama innaga la innooga baahan yahay in aan dhibaatadeena xallino ee aan la innooga fadhiyin in aan tahriibno oo aan nafteena halaag la miciinsanno.

Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Shirweynahani si gaar ah u khuseeyo ayaa sheegay in ay ka boolis ahaan garab taagan yihiin SONYO iyo natiijada cilmi-baadhistan ka soo baxday ee sida gaarka ah u taabanaysa rabshadaha ay dhallinyaradu samayso iyo dhibaatooyinka iyaga soo gaadha taasi oo uu sheegay in ay diyaariyeen saraakiil ciidan oo SONYO kala shaqayn doonta wax ka qabashada arrimahaasi iyo sidii dhallinyarada loo jihayn lahaa. Taliye Fadal waxa uu ku dheeraaday warbixin uu shirka ka siiyey sida ay Booliska Somaliland u diiwaan geliyaan iyo tallaabooyinka ay ka qaadaan dhibaatooyinka ay dhallinyaradu samayso kuwaasi oo lagu hayo xog iyo dhukumantiyo diyaarsan oo raadcaac noqon doona isaga oo sheegay in boolisku ay dhaqan celin u sameeyeen dhallinyaro badan oo rabsho walaal ahaan jiray kuwaasi oo xubno ka mid ahi maanta yihiin askar ciidanka ka tirsan oo nabadda ka shaqeeya.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii shirkan lagu soo casuumay ayaa ballan qaaday in uu Dhukumantiga shirkan laga diyaariyey ee uu gacanta ku hayo la wadaagi doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo si xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada ugu horreeyaan oo ay isu garab taagaan. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka KULMIYE waxa uu xusay in ay ku faanayaan in ay noqdeen kuwii dabarka ka furay caqabadihii dhallinyarada ka hortaagnaa ka qayb galka siyaasadda balse dhallinyarada looga baahan yahay in aan lagu hungoobmin ee umaddu mahadiso illayn waakuwaa oo Agaasimayaal, wasiiro, wasiir xigeeno iyo xildhibaano deegaan ayay wada noqdeene.

Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Mudane Axmed Faarax Cadarre oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka uu shirkani yahay keedii oo ay dhinacooda ka qayb qaadan doonaan xal u helidda dhibaatooyinka daraasaddan lagu soo ururiyey iyada oo ay u arkaan arrin qaran wax ka qabashada duruufaha dhallinyarada haysta gaar ahaan dhinaca rabshadaha iyo wixii la mid ah.

Xildhibaano Guurtida ka tirsan, xubno ka socday ururada Bulshada, hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adda DANIDA iyo masuuliyiin kale oo shirka ka hadlay ayaa isku raacay muhiimadda shirweynahani u leeyahay qaranka gaar ahaan dhinaca nabad-gelyada iyo kobcinta dhallinyarada kuwaasi oo ku baaqay in wixii ka soo baxay shirkan dhammaan garabka la iska qabsado oo loo wada guntado iyada oo ay shirkan ka baaqdeen xubnihii ka socday xisbiyada Mucaaridka ahaa oo si gaar ah loogu casuumay ayaa waxa furitaankiisii si rasmi ah u furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Yuusuf Cismaan Garas oo sheegay in ka wasaarad ahaan shirkani yahay mid muhiimodaada koowaad ah kuna dadaali doonaan sidii ay awalba u garab taagnaayeen SONYO xaqiijinta wax kasta oo laga rabo gaar ahaan in ay ka soo baxaan qorshihii wax lagaga qaban lahaa dhibaatooyinka daraasaddan laga sameeyey.11198868_10152773224900843_982851156_n11195508_10152773258735843_1908124859_n11178602_10152773263640843_1711480512_n11173429_10152773265710843_1568045986_n11198868_10152773224900843_982851156_n

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS