haatuf.net
Professor Sulaiman A. Gulaid: Hogaamiye Ku Haboon “Dawlad Wadaag” Caretaker Government Of Somaliland
April 27, 2015 - Written by Admin Two

Muddo xileedkii xukuumada Kulmiye wuxuu ku eegyahay 26 June, link 2015 , denture doorsashadana  waxa la cayimay 1s,t June,2016. Inta u dhaxaysa labada muddo dalku waxu  u baahanyahay ‘Dawlad Wadaag’ “WAA MAXAY  DAWLAD WADAAG“ Caretaker Government “Caretaker Governemnt  waxa la dhisaa marka u dhamaado muddo xileed dawaladeed , ama la kala diro, ama la casilo, ama kalsoonida lagala noqdo.  Waajibaadkeedu wuxuu  ku koobnyahay  qabashada  doorashada ;ilaalinta  hantida ummadda;  hagistaDisplaying Prof._Suleiman_Ahmed_Gulaid[1].jpg

hawl maalmeedka dawladda   iyo difaaca qaranka. Waxa ka reeban  heshiisyo ay saxeexdo ;qawaanin cusub oo ay soo saarto iyo cashuur kordhin.

YAA SOO DHISAAYA?: Waxa ku heshiinaaya Madaxweynaha, M/Kuxigeenka   iyo Madaxda Saddexda Xisbi Qaran  oo metelayaa bulshowaynta Somaliland  ee codkooda siiyay. Waxay isla meel dhigayaan  qaabka loo disaayo “Dawladd Wadaag”; waajibaadka loo egman doono iyo sifooyinka shaqsiyaadka ku haboon in loo magacaabo. Shaqo kuma laha,  mana haboona inay faro gelin ku sameeyaan Beesha Caalamku; Golaha  Guurtidu, Madax-dhaqmeedku iyo Madasha  Wada-tashigu; sababto oo  cod iyo kalsooni shacab  kuma fadhiyaan. Marka lagu heshiiyo habka, hanaanka  iyo wajibaadka loo egmanaayo , waxa magacaabaya Madaxweynaha.

Waxa haboon  Dawlad kooban, tayo leh , ka badnayn 10 Wasiir, awood buuxda leh , kana madax banaan

amarka  Madaxyanaha, siiba arrimaha  khuseeya ‘Doorshada’.

YAA KU HABOON HOGAAMINTA “DAWLAD WADAAGA” Madaxweynaha & Ku-Xigeenkiisu   waxay qabanyaan  “Ceremonial Functions”. Hawlaha xukuumadda waxa wadaya  nin lagu heshiiyay title-kiisa

sida “ Caretaker  First Minister” , Baarlmaankuna ansixiyo. Ninkasi  wuxuu noqon doona nin lagu

ogyahay aqoon, karti iyo hufnaan oo ka madax banaan sadexda xisbi qaran.  Waa ku haboon

nin kasoo jeeda Goboladda darfayadda. Shakhsiga mansabkaas  u qalmaa waa : Professor

Sulaiman A.  Gulaid , President  of Amoud University ama shakhsiyaad la mid ah  waxa u sharaf badan Madaxweyne Siilaanyo inuu aqbalo tallo wadaag iyo wada tashi , dalkana ka badbaadiyo qalaalse siyaasdeed.

Wa Bilaahi Towfeeq.

Ali Ibrahim,Baqdaadi,

Toronto

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS