haatuf.net
“Been-Abuur Kasta Iyo Dacaayadaha Loo Sheegay Shacabka Qiimaha Leh Ee Somaliland Waa Qaar Aan Cidna Wax U Tarayn, Siina Raagayn”Cabdiraxmaan Ciro
April 27, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, cough April 27, order 2015 (Haatuf) – Guddoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa deedefeeyey warar ka dhan ah isagoo oo lagula xidhiidhiyey inuu shir-qarsoodi ah dalka Turkiga kula yeeshay Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu C/raxmaan Cirro been abuur ku tilmaamay war kale oo warbaahinta qaar ka mid ahi baahiyeen, treatment kaas oo ahaa inuu warqad uu nidaamka faderaalka uu ku taageerayo u diray dawlada Finland, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay borobogaando ay xukuumadda Siilaanyo ugu marmarsoonayso muddo kordhin sharciga baal-marsan, isaga oo sidoo kalena carabka ku adkeeyey in dacaayadaha noocaasi yihiin kuwo aan sii raagayn isla mar ahaantaana xisbiga Waddani uu diyaar u yahay doorashooyin ku qabsooma si xor iyo xalaan ah.

Mr Cirro ayaa hadalkan ka sheegay qoraal kooban oo ku baahiyey bogiisa uu ku leeyahay Facebook, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in dacaayadaha noocan oo kale ah ay yihiin kuwo gef ku ah caqliga iyo garaadka shacbiga reer Somaliland isla mar ahaantaana la doonayo in laga dhaadhiciyo waxyaabo been abuur cad ah. Qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa wax auu u dhignaa sidan:-

“Been-abuur kasta & dacaayado loo sheego shacabka qiimaha leh ee Somaliland waa qaar aan cidna wax u tarayn, siina raagayn. hadii lays leeyahay dacaayado ayaa shacab wax lagaga dhaadhicinayaa ama lagu soo jiidanayaa, taasi waa mid gaf ku ah caqliga & garaadka shacabkeena. shacabkeenu wuxuu usoo joogay waqtiyo doorashooyin oo badan iyo xisbiyo aan kalsooni badan ku qabin codka shacabka.”.ayuu yidhi md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo sida oo kale qoraalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi “Xisbiga WADDANI wuxuu markasta ixtiraamayaa dhamaan Axsaabta Qaran & Masuuliyiiinta Qaran dhamaantood, Waxaanuna diyaar u nahay Doorasho Xor oo Xalaal ah oo aan Xagxagasho lahayn”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS