haatuf.net
Saleebaan Gaal: Guddoomiyaha Guurtida Een Somaliland Waligii Kalmad Uga Dhex Odhanin Yurub-ta Uu Degan Yahay; Haatuf Staff Writer
April 28, 2015 - Written by Admin Two

 

Sanadkii saddex bilood ma wada joogo  dalka oo wakhtigiisa waxa uu inta badan ku qaataa Yurub gaar ahaan dalka UK oo uu si rasmi ah u degan yahay iyo Talyaaniga oo uu gaadh-gaadho, unhealthy haddana waa Guddoomiyaha Guurtida dalka Somaliland ee waxa ugu wayn ee ay bulshadu tabanaySaleebaan Gaalso yahay aqoonsiga wadankoodu u qalmo ee beesha caalamku kala masuugtay.

Dalka caynkaas ah ee uu kaga fadhiyo kursiga 2-aad ee ugu darajada sareeya ayaanu maalin kaliya kalmad uga dhex-odhanin dibadahaas uu ku noolyahay. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) waxa uu madax ka yahay aqalka Guurtidda oo ah hay’ad cusub oo ay Somaliland kusoo kordhisay dhismaha nidaamyada dawladnimo ee caalamka hore uga jiray.

Haddii uu bulshadda Ingiriiska ee uu mudooyinka badan ku maqan yahay u sharaxi lahaa uun siday Guurtidu ku timid, discount waxay qabato iyo waliba kaalintay kasoo gashay yagleelidii nabada Somaliland, store sheekadaas oo kaliya ayaa waxbadan ka tari lahayd aqoonsiga dalkiisa ka maqan.

Habba la diidee saw may ahayn inuu cid uun wax yidhaahdo. Nasiib-darose maalinta uu London gaadho ayaa Somaliland iyo amuuraheedaba ugu danbaysa, waxaana ugu xigta marka uu madaarka Hargeysa kasoo dego isagoo ujeedada uu dalka u yimidna yahay gurmad xaga madaxtooyadda ah.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS